Somaliland oo ogolaatay qodobkii xasaasiga ahaa ee wada-hadalladii Jabuuti

Hargeysa (Caasimada Online) – War kooban oo ka soo baxay Somaliland ayaa waxaa markale looga hadlay wada-hadallada todobaadkii hore lagu qabtay dalka Jabuuti.

Qoraalkan ayey Somaliland ku sheegtay inay ogolaatay in aan la carqaladeyn isku socodka shacabka koofurta iyo waqooyiga ee isaga kala gooshaya labada dhinac.

Qodobkaasi ayaa la xiriira dhaqanka, waxbarashada, ciyaaraha iyo ganacsiga, balse kuma jiraan siyaasiyiinta.

Ujeedka ayaa waxaa lagu sheegay, sidii loo xoojin lahaa nabadda iyo wada-hadalka u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland.

“Labada dhinac waxa kale oo ay ku heshiiyeen in aan la carqaladayn isku-socodka iyo xidhiidhka labada bulsho ee aan siyaasad iyo siyaasiyiin shaqo ku lahayn ee la xidhiidha dhaqanka, waxbarashada, ciyaaraha iyo ganacsiga, si loo xoojiyo nabadda iyo wada-hadalka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraalka.

Marka la’eego qodobada ku jira murtiyeedka ka soo baxay shirkii Jabuuti qodobkaan waa midkii ugu cuslaa ama ugu xasaasisanaa, iyada oo ay Somalliland ay tan iyo markaasi ka fakireysa ogolaanshiyihiisa, waxaana la sheegay inay dan ugu jiray labada shacab.

Wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland oo afartii sano ee la soo dhaafay haakad ku jiray ayaa markale todobaadkii la soo dhaafay dib uga bilodway wadanka Jabuuti.