Somaliland oo shaacisay ‘qodob qaldan’ oo ku jiray war-murtiyeedkii Jabuuti

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa ka hadashay war-murtiyeedkii ay dowladda Jabuuti xalay kasoo saartay shirkii wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland ee ka dhacay dalkaasi.

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland, Yaasiin Faratoon ayaa sheegay in war-murtiyeedkaasi ay ku jireen qodobo qalad ah oo aan looo meel-dayin, isla markaana aan kamid aheyn qodobadii saxda ahaa ee la isku af-gartay.

Wasiirka ayaa qodobkaasi ku sheegay ‘wada maamulka hawada Somaliland’, kaasi oo kamid ahaa qodobada lagu baahiyey war-murtiyeedka kasoo baxay shirka Jabuuti, iyadoona ay sii baahisay Madaxtooyada Somaliland.

Madaxtooyada Somaliland ayaa xalay baahisay war-murtiyeedkaasi uu Wasiirku sheegay inuu qodobkaasi qaldan uu ku jirey, iyada oo aan wax dib u sixid ah ku sameyn ama iftiimin ah raacin.

Faratoon ayaa sheegay in qodobkaasi uu yahay mid qalad ah, kaasi oo ay sameeyen xubnihii u xil saarnaa soo saarista war-murtiyeedkaasi, isla markaana ay kala hadleen ka xukuumad ahaan.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka dhawaajiyey in xubnaha dowladda Jabuuti u xil saartay soo saarista war-murtiyeedkaasi ay raali-gelin ka bixiyeen qaladkaasi, oo ay dib u sixidna ku sameynayaan.

Somaliland iyo Soomaaliya ayaa isku af-gartay qodobo dhowr ah, sida lagu baahiyey war-murtiyeed kasoo baxay shirkii Jabuuti, iyada oo ay ugu muhiimsaneyd ‘in aan marnaba la carqaladeyn isku socodka iyo xidhiidhka labada bulsho’.