Sanbalooshe: Saameynta iyo lacagta Qatar ayaa hamiga Farmaajo suurta-galin karta

Washington (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbalooshe ayaa faallo uu ku qoray wargeyska The National Interest ee Mareykana waxa uu si kulul ugu weeraray madaxweyne Farmaajo, dowladda Qatar iyo hay’adda NISA iyo Fahad Yaasiin.

Sanbalooshe ayaa sheegay in Farmaajo oo adeegsanaya lacagta Qatar iyo hay’adda sirdoonka ee NISA uu meel xun dalka gaarsiiyey muddadii uu xilka hayey.

Waxa uu sheegay in isaga oo taageero ka helaya Qatar, uu Farmaajo baabi’iyey nidaamkii federaalka dalka. “Qatar waxay Farmaajo siisay taageero maaliyadeed iyo mid farsamo oo kuwa Farmaajo daacad u ah madax looga dhigay qaar ka mid ah maamul goboleedyada sida Koonfur Galbeed iyo Galmudug,” ayuu yiri.

Qoraalka Sanbalooshe ayaa intaas ku daray in Farmaajo iyo Qatar ay sidoo kale ka shaqeeyeen sidii loo wiiqi lahaa nidaamkii isla xisaabtanka ee dowladda, ayada oo baarlamanka uu noqday mid u taagan un in wixii la doono laga saxiixdo kadib markii meesha laga saaray afhayeenkii hore Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Sanbalooshe ayaa ka digay in Farmaajo uu hadda isku dayayo inuu si sharci-darro ah xukunka kusii joogo.

“Ayada oo muddo xileedka Farmaajo uu sii dhamaanayo, wuxuu garowsaday inuu noqday sun. Kuwii xulufada la ahaa mar, oo uu ku jiro ra’iisul wasaare Kheyre ayaa ka tegaya, halka mucaaradkiisana ay isu abaabulayaan inay kursiga ka tuuraan,” ayuu Sanbalooshe ku qoray wargeyska The National Interest.

“Nasiib darro, naf la caarinimada ah inuu ka dheeraado guul-darro bahdil ah ayaa ku hoggaamin karta inuu ku shubto doorashada dhaceysa, ama uu si aan dastuuri ah muddo xileedka u dheereysto, isaga oo abuuraya xaalad deg deg ah oo uu alifay.”

Sanbalooshe waxa uu intaas ku daray in Farmaajo uu isku dayayo inuu noqdo Siyaasa Barre-ha cusub, qorshahaas oo aan dhici karin balse ay suurta-galin karto lacagta Qatar.

“Soomaalida marnaba ma ogolaan doonto taas, hase yeeshee saameynta iyo lacagta Qatar ayaa suurta-galnimada taas ka dhigtay mid la hamiyo oo suurta-gal ah,” ayuu yiri.