Qoraallada Farmaajo oo laga mamnuucay warbaahinta DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraalkii dikreetada ahaa ee xalay ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa laga mamnuucay warbaahinta Qaranka, kadib amar ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Sidoo kale weriyaasha warbaahinta Qaranka u qaabilsan Villa Somalia ayaa laga saaray seddaxda Page ee SNTV, Radio Muqdisho iyo SONNA.

Sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedyo ku dhaw dhaw xafiiskiisa Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa wasiirka warfaafinta faray in warbaahinta dowladda laga joojiyo wararka ka soo baxaya Villa Somalia, waxaana amarka bixiyey wasiirka warfaafinta Cusmaan Dubbe, oo fulinaya amarka ra’iisul Maxamed Xuseen Rooble.

Agaasimaha warfaafinta Villa Somalia ayaa sidoo kale laga saaray dhammaan wixii admin ah oo uu ku lahaa bogagga warbaahinta qaranka ee facebook iyo baraha kale ee bulshada.

Tallaabadan ayaa ka dhiggan in warbaahinta qaranka ay gacanta ugu jirto ra’iisul wasaare, xilli ay muuqato in dalka uu galay loolan awoodeed, oo u dhaxeeya isaga iyo Farmaajo, taasi oo sida muuqata ay qasab tahay in lagu kala adkaado.

Waxay sidoo kale muujineysa in sii xirmayaan albaabada Farmaajo, oo dhowr qof oo faro ku tiris ah kaliya ay ka taageersan yihiin dowladda.

Wararka ayaa sheegaya in wasiirka warfafainta Dubbe iyo ku-xigeenkiisa Cabdiraxmaan Al-Cadaala, iyo inta badan xubnaha golaha wasiirada ay taageersan yihiin ra’iisul wasaare Rooble.

Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa xalay la-taliyihiisa amiga qaranka u magacaabay Taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin, kaas oo Ra’iisul wasaare Rooble uu dhawaan xilka ka qaaday.

Sidoo kale Farmaajo ayaa dikreetadiisii Taliyaha hey’adda NISA si KMG ah ugu u magacaabay Taliyaha Nabad Sugidda gobolka Banaadir Yaasiin Farey, halka Agaasimaha guud ee madaxtooyada uu u magacaabay Cabdisaciid Muuse Cali.

Khilaafka Farmaajo iyo Rooble ayaa cirka isku sii shareeraya, waxaana sida muuqata uu Farmaajo xasaanad uu isku difaaco u raadinayaa Fahad Yaasiin oo loo heysto dilka iyo afduubkii Ikraan Tahliil, balse Farmaajo ayaa dadaalkiisa isugu geynaya in la baabi’iyo kiiskaas.

Kulan lagu dhex-dhaxaadinayey oo maanta ay isugu yimaadeen Farmaajo iyo Rooble ayaa fashil ku soo dhamaaday, kadib markii uu Rooble ku adkeystay in xil ka xayuubintii Fahad Yaasiin, magacaabidiisii taliyaha KMG ah ee NISA Bashiir Goobe iyo baaritaanka kiiska dilkii Ikraan Tahliil.