Sidee loo arkaa khilaafka hareeyey Villa Soomaaliya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Khilaafka siyaasadeed ee ka taagan magaalada Muqdisho, gaar ahaan Villa Soomaaliya oo haatan sii xogeysanaya ayaa noqday hadal heynta ugu badan, waxaana dadka Soomaaliyeed ay u arkaan siyaabooyin kala duwan.

Guddoomiyaha ururada bulshada rayidka Cismaan Muxudiin Shaatax oo wareysi siiyey VOA ayaa shaaca ka qaaday in xiisadda siyaasadeed ee ka dhax-qaraxday ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ay ka qabaan wal-wal xoogan, maadaama ay kusoo aaday, xilli xasaasi ah oo uu dalka ku jiro marxalad adag iyo doorashooyin guud.

Shaatax ayaa sidoo kale wax laga xumaado ku tilmaamay khilaafka xoogan ee haatan soo kala dhex-galay madaxda ugu sarreysa ee dalka.

“Runtii khilaafyadan siyaasadeed ee hadda soo kordhay 48-kii saac ee ugu dambeeyey waa mid wal-wal badan nagu abuuraayo, iyada oo maanta dalka doorasho u diyaar garoobaayo  in hadane khilaaf horleh uu soo kala dhex-galo madaxdii dalka waa wax aad looga xumaado,” ayuu yiri guddoomiyaha bulshada rayidka Cismaan Muxudiin Shaatax.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii saaray in khilaafkan uu saameyn xoogan ku yeelan karo dadka saameeyey, isla-markaana uu wiiqi karo dhaqaalaha dalka.

“Waxaan kaloo aad wal-wal uga qabnaa saameynta uu ku yeelan karo dad badan oo Soomaaliyeed khilaafkan, maxaa yeelay khilaafyadii horey usoo taagnaa ee dib u dhaca ku ridday doorashada waxay saameyn badan ku yeesheen dhaqaalihii dalka” ayuu sii raaciyey.

Ugu dambeyn guddoomiyaha ururada bulshada rayidka ah ayaa ugu baaqay madaxda qaranka inay u turaan dadka iyo dalka, isla-markaana ay soo afjaraad khilaafkooda.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo uu cirka isku sii shareeray khilaafka u dhexeeyay Farmaajo iyo Rooble, kuwaas oo xalay soo saaray go’aanno kale oo liddi isku ah.