Midowga Musharaxiinta oo jawaab deg deg ah ka bixiyey falalka uu ku kacay Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa cambaareeyey falalka uu ku kacay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo, oo ay sheegeen inay yihiin kuwa baal-marsan dastuurka iyo sharciga dalka ud egsan.

Farmaajo ayaa wareegto uu soo saaray wuxuu la-taliyaha amniga qaranka u magacaabay agaasimihii hore eee NISA Fahad Yaasiin, kadib markii ra’iisul wasaare Rooble uu shaqo ka-joojin ku sameeyey.

Sidoo kale Farmaajo ayaa dikreetadiisii wuxuu Taliyaha hey’adda NISA si KMG ah ugu u magacaabay Taliyaha Nabad Sugidda gobolka Banaadir Yaasiin Farey, halka Agaasimaha guud ee madaxtooyada uu u magacaabay Cabdisaciid Muuse Cali.

“Goluhu wuxuu u arkaa go’aanadaas inay yihiin kuwa lagu carqaladeynayo dadaallada ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ee ku aaddan in baaritaan daah-furan iyo cadaalad la marsiiyo kiiska Ikraan Tahliil, sidoo kalena lagu xagal-daacinayo doorashooyin daah-furan, waqtigooduna ku dhaca,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saareen Golaha Midowga Musharaxiinta.

Midowga Musharaxiinta ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed inay ogaadeen in go’aanada Farmaajo ay yihiin kuwo loogu talo-galay in lagu khalkhal galiyo xasilloonida iyo ammaanka aan cagaha badan ku taagneyn ee dalka.

“Goluhu wuxuu saraakiisha ciidanka ugu baaqayaa inaysan u hoggaansamin go’aanada madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday,” ayey yiraahdeen.