Koox hubeysan oo weerar dhimasho leh ku qaaday guriga sarkaal ka tirsan hay’adda SAACID

Muqdisho (Caasimada Online) – Koox hubeysan ayaa xalay abaare 9:00pm weerar khasaro geystay ku qaaday guri uu magaalada Muqdisho ka dagan yahay mid ka mid ah madaxa qeybta gargaarka ee hay’adda SAACID, Maxamed Cabdullaahi Diriye, sida ay xaqiijiyeen goobjoogeyaal.

Weerarka oo ay fuliyeen maleeshiyo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu warramayaa inuu ka dhashay khasaare nafeed. 

Wararka ayaa sheegaya in laba bam oo nooca gacanta laga tuuro ah lagu dhuftay guriga kadibna la huwiyey rasaasta qoryaha daran dooriga u dhaca.

Weerarka lagu qaaday guriga Maxamed Cabdullaahi oo ku yaalla dagmada Madiina ama Wadajir ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku naf waayey wiil la dhashay sarkaalka la weeraray oo lagu magacabi jiray Keysane Cabdullaahi Diriye, Xaaska Keysane oo magaceeda lagu sheegay Fartun Cisman Axmed iyo gabar uu dhalay dhibanaha la weeraray gurigiisa oo magaceeda lagu sheegay Sumayo Maxamed Cabdullahi.

Ayaan Cabdiraxman Yuusuf oo ah xaaska sarkaalka la weeraray ayaa warbaahinta u sheegtay in saygeeda ay ururka Al-Shabab marar badan ugu hanjabeen inay dili doonan taasina ay tahay sababta kentay weerarkan.

Sida ay sheegtay Ayaan, Maxamed ayaa kadib markii uu helay hanjabaadda ka cararay gurigiisa, wuxuuna deganaa Hotel ku yaalla magaalada.

Si kastaba, habeenkii uu weerarka dhacayey ayuu soo boqoday canug yar oo uu dhalay oo xanuunsanaa oo uu la joogay illaa 20 daqiiqo kadibna ka tegay, wuxuuna weerarka dhacay waxyar un kadib markii uu guriga ka baxay, sida ay sheegtay xaaskiisa.