Qorshaha Cabdi Iley iyo siyaasaddiisa

By Asad Cabdullahi Mataan

Ma ogtahay in aad is hubsataa iney haboontahay. Ma ogtahay, Ciyaar aanad khibrad u lahayn, qawaaniinteeda aanad korka ka wada xafidsaneyn in aanad badin kareynin. Ciyaartaasi ha ahaato: Kubadda  Cagta, Kubadda Koleyga, Feedhka ama Orodadaba. Waxaa iyana la mid ah Qawaaniinta Ciyaarta Siyaasadda oo la hubo in aaney marnaba guuli kugu raaceynin Ficillo ku saleysan: Laablakac, Quudareyn iyo Deg-deg. Mase ogtahay in aaney xisaabta Siyaasadda ku jirin, In nin aan kuu furi doonin uu kuu raro.

Sida aad ka dha-dhansan kartaan Cutubka u horeeya Maqaalkani waa mid Siyaasadeysan, kuna wajahan oo ku kooban Garaadka Siyaasiyan u bisil ee garankaraya Nuxurka iyo ujeedada Qoraalkani xambaarsanyahay.

Nicmooyinka ilaahey inoogu deeqay waxaa ka mid ah: Maskaxda iyo Caqliga.

Waa labo isku mid ah, hadana kala mid ah. Maskaxdu waa wax la arki karayo, lana taaban karo. Caqligase lama arki karo lamana taaban karo.

Maskaxda Xayawaankuba wuu leeyahay. Caqliguse waa ka,hadeynu nahay Basharka aynu Xayawaanka kaga duwannahay ee ilaahay inagu maneystey.

Ilaah baa dheeqda bixiyee, sida ilaahey Bani Adam kiisa u kala fadiley ee uu ugu kala badiyey wax kasta sida Cimriga, Caafimaadka, Arsaaqadda, Awlaadda iyo Darajada, Ayuu Caqligana ugu kala badiyey.

Ilaahey Basharkiisa qaarkood wuxuu ku maneystey, Caqli badan. Kuwana wuxuu siiyey Caqli meel dhexaad ah. Kuwo kalena wuxuu siiyey Cqli yar.

  1. Basharka ilaahey Caqli badan ugu deeqo.
    waxaa lagu gartaa oo astaamo u ah Sifooyinkan:

Waa qofka curiya amaba keena Fikrado ama xeelado lagaga hortagi karo Mushkilado ama dacdooyin dhibaatooyin xambaarsan oo uu saadaalin karo. Waa qofka ku mashquula waqtigiisana ku lumiya Danihiisa, Danaha dadkiisa, Danaha Dalkiisa iyo Aaraa’da Cusub ama Curinta iyo Hirgalinta Fikrado Cusub oon horey loo arag iyagoo kale (New Ideas & Inventions) ee loogu dhawaan karo, loogana faa’ideysan karo dhinaca Horumarka Bulshada ee dhankastaba ah.

Kuwaasoo ay kamid yihiin kunase koobneyn:

  • Aasaaska ciidamo aan horey u jirin, sida Liyuu Booliska oo aynu wada ognahay in ay ku dhismeen fikir ka soo maaxdey Maskaxda Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar.Dhismaha Liyuu Booliska waxaa laga dhaxley in maanta Deegaanka Soomaalidu uu noqdo ka ugu ammaanka wanaagsan Dalka Itoobiya guud ahaan.

    Iyadoo ka dib soo afjariddii dhaq-dhaqaaqyadii Nabadiidka, ay markii ugu horeysey suuragal tahay in aad nabadgalyo iyo wel-wel la’aan aad ku seexato kuna soo toosto meel kasta ood kaga nooshahay Deegaanka Soomaalida Itoobiya. Waxaad nabadgalyo iyo ammaan ku mari kartaa meel kasta oo Deegaanka ka mid ah, Miyi iyo Magaalaba.

  • Tababaridda iyo dhiiri galinta Kadir Dhalinyaro ah oo xirfad u lah iney la wareegaan hogaanka heer Deegaan, Gobol iyo Qabaleeba. Taasoo aan dhici jirin wixii ka horeeyey Hogaaminta Madaxweyne CMC
  • Horumarinta iyo baahinta Hay’adaha iyo laamaha Waxbarasho ee kala duwan oo la gaadhsiiyey dhammaan Gobolada, Degmooyinka iyo Qabaleeyada uu ka koobanyahay Deegaanka Soomalida Itoobiya.Hirgalinta Jaamacadaha kala duwan ee ka howlgaley Gobolada Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

    Iyo hirgalinta Jaamacadda weyn ee Jigjiga oo ay ka faa’ideystaan ardey ka timaada dhammaan Gobolada iyo Degmooyinka uu Deegaanka Soomaalida Itoobiya ka koobanyahay iyo waliba ardey ka timaada, Maamuladda aynu jaarka nahay sida Maamul goboleedtyada kale ee ka jira Dalkeena Itoobiya.

    waxaa iyana ka faa’ideystey Fikirka Jaamacadda Jigjiga Ardey ka kala timid:
    Somaliland, Puntland, Galmudug, Jubaland iyo meelo kale oo kawada tirsan Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya ee aynu walaalaha nahay. Waana fikir cusub oo la curtey Madaxweyne CMC.

  • Iyada oonan halkan mid-mid ugu soo wada koobi Karin Fikradaha caafimaadka qaba ee faa’iidada leh ee ka soo maaxdey Maskaxda Madaweyne Cabdi Iley, waxaa ka mid ah:Hirgalinta barnaamijka Xoolo dhaqato Beeraleyda, tayeynta iyo daryeelka xoolaha Deegaankeena iyo hirgalinta siyaasadaha Suuqgeynta Xoolaha nool, Hilibkooda iyo Caanahoodaba oo ah fikrad cusub.

    Horumarinta dhinacyada Biyaha oo uu Madaxweynuhu ahmiyad gaar ah siiyey.

    Horumarinta dhinacyada Jidadka, Korontada, Kaabayaasha Dhaqaalaha.
    Horumarinta iyo tayeynta adeegyada Caafimaadka.

    Horumarinta iyo tayeynta aqoonta iyo xirfadaha Shaqaalaha Dowladda iyo wacyigalinta Bulshada ee ku aadan ka qaybqaadashada Barnaamijyada horumarineed ee uu Madaxweyne Cabdi Iley ka hirgalinayo Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

  • Arrimaha ugu muhiimsan ee ka midka ah Siyaasadaha iyo Fikradaha Cusub ee ka soo maaxdey Maskaxda Madaxweyne Cabdi Maxamuud waxaa ka mid ah:Hirgalinta iyo aasaaska Xafiisyada: Qorbojoogta iyo Maalgashiga.

    Fikirkan oo ah mid aad loogu diirsadey oo ay si wada jir ah u soo dhoweeyeen Bulshada u dhalatey Deegaanka Soomaalida Itoobiya ee Qurbaha ku nool iyo kuwooda la dhashay ee iyana Dalka gudihiisa ku nool.

    Waa Siyaasad iyo Fikir cusub oo uu Madaxweyne CMC hirgaliyey kuna dhiiri galiyey Qurbojoogta Deegaanka u dhalatay in ay markii ugu horeysay u soo hiloobaan in ay dib ugu soo laabtaan Dhulkoodii Hooyo .

    Waa Fikir horseeday in ay la xidhiidhaan kuna dhiiradaan in ay maalgashi ku sameystaan iyaga oo ogaadey xaaladda dhabta ah ee uu ku suganyahay Deegaanka ay u dhasheen oo ay Been iyo Cabsigalin aan sal iyo raad toona lahayn ay ka faafin jireen kuwa nabad diidka ahi.

    Nabadiidka oo aan jeclayn wadada nabadgalyada iyo horumarka ee uu cagta saarey Deegaanka Soomaalida Itoobiya ee uu Madaxweynaha ka yahay Mudane Cabdi Iley.

Waxaa kale oo wax aad loogu diirsaday noqdey Fikirka caafimaadka qaba ee ka soo maaxdey Maskaxda Madaxweyne CMC ee ah la xisaabtanka Mas’uuliyiinta kala duwan ee Deegaanka Bulshada horteeda iyadoo Bulshada kale ee Qurbojoogta ah ee u dhashay Deegaankuna ay ka Daawadaan Telefishanka ESTV  ee lagu hirgaliyey Fikirka Madaxweyne Cabdi Iley.

Cabdi Iley waa Hogaamiye Dawga yaqaan, Dawga mara, Dawgana Bulshada tusa.

Waa Hogaamiye si geesinimo leh ugu istaaga una yidhaahda weedha uu damco.

Isla markaana waa Hogaamiye si geesinimo leh ugu fadhiista una dhageysta weedha lala damco.

2.   Basharka ilaahey Caqli Dhex-dhexaad ah ugu deeqo.
Waxaa lagu gartaa oo astaamo u ah sifooyinkan:

  • Waa qofka ku mashquula waqtigiisana ku lumiya waxyaabaha iyo dhacdooyinka, amaba mushkiladaha markaa taagan.
  • Waa qofka wax ku qaata dhacdooyinka u markaa arko, kana faaideysta khaladaadkiisa.
  • Waa qofka aan qof kale danihiisa seejin Karin.
  • Waa qofka kala garta ruuxa u roon ee dantiisa ka shaqeynaya iyo ruuxa u daran ee lugooyadiisa ka sheqeynaya.
  • Waa qofka abaalka gala hadii loo galana guda.
  1. Basharka ilaahey Caqli Yar ugu deeqo.
    Waxaa lagu gartaa oo astaamo u ah sifooyinkan:
  • Waa qofka aan caqli badan laheyn kuna mashquula waqtigiisana ku lumiya Dadka kale. Waa ka aan waxbaba curin Karin danihiisana ku halleeya cid kale.
  • Waa qofka aan ka dhamaanin wax ka sheega Bulshada uu markaa la noolyahay. Hadey yihiin Mas’uuliyiin iyo hadey yihiin bulshada inteeda kaleba. waa kuwa la dhex yuurura Bulsha Been abuurka iyo Dacaayadaha raqiiska ah.Nin aan naaneys laheyni waa Ri aan geeso laheyn.

    Caqli yari awgeed, waa kuwa u haysta cay iyo dacaayad markey Madaxweyne Cabdi Iley ugu yeedhaan madaxwene Cabdi iley.

     

  • Waa kuwa aan kala garan mas’uuliyadda Maamulka deegaanka iyo Mas’uuliyadda Hogaanka Dowladda Federaalka ah. “Who does what?
    Oo macnaheedy yahay, Shaqada iyo Mas;uuliyada sida loo kala leeyhay, heer Federaal iyo heer Deegaan.Waa kuwa ficil iyaga wax tar u leh ka quudareeya meel aaney ka heli Karin.
    Waa kuwa quudareeya amaba rajeeya wax aan macquulba aheyn iyagase aan ilaahey galinin Caqli ay ku gartaan ama ku dareemaan.

    Waa kuwa hafra Dowladda dhexe, Caqli yariduna u geysey in ay aaminaan wax aan Mas’uuliyadda Dowladda dhexe aheyn in ay ka quudareeyaan oo ay isaga daba noq-noqdaan Adis-Ababa.

    Waa kuwa igagoo laga dhigey wax aaney u qalmin, hadana kala garan la’a halka dantoodu ku jirto iyo halka ay ku fashilmi karaan oo dhaxalsiinkarta in ay Noloshaba kaga dhacaan.

  • Waa kuwa iyagoon qawaaniinteeda baran, laab la kac iyo aqoon la’aani marba meel ka tuureyso, oo sidii odey dhaqameedyadii aan Siyaasadda ehelka u aheyn marba meel aan dantoodu oolin waxna looga qaban Karin dacwad iyo calaacal la hor taagan.Waxa qudha ee ay ka dhaxlaani ay tahay quudhsi marka la arko garaadkooda siyaasadeed heerka uu isku taagey ee uu dhaafi kari waayey.

    Iyadoo la wada ogyahay dadaalka iyo waqtiga badan ee uu Madaexweyne Cabdi Maxamuud galiyey sidii uu kor ugu soo qaadi lahaa aqoontooda qawaaniinta Siyaasadda, iyo Dastuurka dalka iyo Deegaanka iyo sida ay Mas’uuliyadaha u kala leeyihiin Dowladda Dhexe iyo Dowladda Deegaanku.

    Waa kuwa marka Geel loo heeso iyagu Goroyo u heesaya. Waa Kuwa soo joogsada inta laga waayey, maanta soo jiifsada laga heley.

    Qasiirku inuu basiir yahay caad igama saarna.
    Waa kuwa wax badso aan Caqli wadani wax la’aanta dhaxalsiisey.

  • Balaayo daan la qabto ayey leedahay ee dabo la qabto ma laha.Waa kuwa la moodey noqonse waayey.

    Waa kuwa shaqo oo dhan ku koobey wax ka sheega iyo dacaayadaha Madaxweynahooda Mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo hurinta colaado dhex mara Bulshada walaalaha ah ee nabadda ugu wada nool Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

    Wax yaabaha been abuurka ah ee hadda lagu bartay ee ay Bulshada la dhex joogaan ee ay maalin walba soo qoraan waxaa ka mid ah:

    Cabdi Iley baa hebel xidhaqy. Cabdi iley baa hebel weeraray. Cabdi iley baa reer fulaan xasuuqay iyo Cabdi Iley baa Dhiiganaga cabbey.

    Xurmadle odayaasha deegaanka ka mid ahaa aseenan halkan hadda magaciisa ka sheegeynin ayaa alla ha u naxariistee waxay kuwo wax ma garato ah oo ka mid ah kuwa ilaahey Caqliga ku yereeyey, mar walba ku eedeyn jireen oy odhan jireen:

    Odey fulaanbaa dhiiganaga cabba.
    Markaasaa odegii wuxuu yidhi:

    War laga soo bilaabo maalinkii hogaanka beesha la ii caleemo saarey illaa maalinkaa maanta ah waxey ila daba joogaan,” Dhiiganagii buu cabbeye” Dhiigoodu mid dhammaadaba miyuusan aheyn.

    Hadda kuwo siyaasiyiin isku sheeganaya aseen anigu u aqaano Nirgaha Jigjiga oo ilaahey Caqliga ku yareeyey, iyo kuwo kale oo iyaguna meelahaa (xigmad ma qoraane) wax ku malmaluuqa ayaa waxay meelahaa ku daabacaan: Madaxweyne Cabdi Iley iyo General Cabdiraxmaan Laba go’le ayaa dhiigana cabba.

    hadaba waxaan leeyahay waa kuwii odeygu sheegay oo kale eh, Dhiigoodu hadii intaa la cabbayey, mid dhammaadaba miyuusan aheyn.

    Waxyaabaha ay soo malmaluuqeen ee ay bulshada nabadda iyo Ciidankoodaba jecel ay isleeyhiin waad ku kicin kartaan oo waad ku kala dili kartaan Bulshada iyo Ciidankooda, waxaa ka mid ah:

    General Cabdiraxmaan Laba Go’le ayaa odayaal la shireen. Oo odayaashii buu aflagadeeyey oo wuxuu ku yidhi hadeydaan dhaleyn waa in la idiin dhalaa.

    Ogaada Bulshoy arintaasi waa been abuur aan sal iyo raad toona laheyn.
    Waa hadal Caalamka carabta caan ka ah oo horey loo wada maqlay.

    Waa hadalkii ama erayadii sababta u ahaa dagaalka sokeeye ee ka taagan Dalka Suuriya.

    Odey ka mid ah odayada magaalada Xalab ee Suuriya ayaa hadalkaa waxaa ku yidhi Hogaamiyihii Ciidamadii ku sugnaa magaalada Xalab.

    Ninka eedeyntan beenta ah doonaya inuu ku xumeeyo General Cabdiraxmaan Laba Go’le si uu ugu beerlaxowsado, colaadna uga dhex beero bulshada Deegaanka ee nabadda jecel, hubaal waa nin Qisadan oo Af carabiya akhriyey.

    Caqligaase ku yare waa inuu ogaadaa hadduu balaayo huriyo in aaney jirin cid isaga uga futo xumi.

Ninbaa waxaa laga hayaa:

Maalinbaan aad u ooyey. Waxaase iiga darraa, maalintaan u ooyey Maalintii hore ee aan aadka u ooyey.
Waxaan saadaalinayaa niman maanta aad u ooyaya oo maalin kale oo soo socota Maanta u ooyi doona.

Canaan ka yaab reer ma doojo. Waa kuwan aan waxba curin kareynin. Tallaabo siyaasadeedna aan qaadi kareynin, hadey qaadaana guuldaro iyo fashil uun kala kulma.

Khilaaf kasta oo yimaada, laguma xalin karo isla aragtidii aad qabtey markii uu khilaafku yimid. Ninka ilaahey Caqli ku filan siiyeybaa odhaahdaa fahmaya.

Madaxweyne Cabdi Iley wuxuu ku guuleystey qorshihiisii siyaasadeed ee uu kaga hortagayey Daankana ku qabanayey balaayada ay Deegaanka u saadaalinayaan kuwan Caqligu ku yaryahay ee miciinka moodey kuwo aan haba yaraatee waxba uga qaban Karin arrimo u khaas ah Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Waxaanan guul u rajeynayaa Shirka 8aad ee XDSHSI oo dhowaan ka furmi doona Xarunta Gobolka Nogob ee Fiiq.

Barta Qawaaniinta Siyaasadda, si aydaan isaga taagin siyaasadda dhanka khaldan, markaad aragtaan Madaxweyne CMC oo ka taagan dhanka saxa ah.

Wabillaahi Towfiiq
W/Q: Abduljabar Sh. Dahir
ajd13@live.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid