Goormuu Axmed Abubakar joojinayaa xad-gubyada uu ku hayo Ogadeniya?

Waxaan la soconaa in uu TV ga Universal yahay TV si weyn uga soo horjeeda geedi socodka Halganka Ogaadeenya lagu xoreynayo kaas oo marwalba soo bandhiga duudsiga & xaqirida shacabka Ogaadeenya. Wuxuu TVga Universal ku caanbaxay in uu shacabka Ogaadeenya ee Ethiopian gumaysato uu marwalba ka shegaa wuxuu gumaysigu u dhiiba isaga oo dhanka kale xukuumadda Ethiopia u soo bandhigo wax aka farxiya.

Wuxuu Ahmed Abubakar leeyahay oo laysanka lagu sameeyay TVga loo yaqaano ESTV, oo ka soo baxa Jigjiga kaas oo marwalba soo bandhiga maxaabiis qasab looga hadalsiiyo & wax ka baxsan anshaxa Islaamka & Somalinimada ayaga oo dadka ku xidh-xidhan JigJiga ku sheega dad Jaamacado dhigta laguna duudsiyo shacabka Ogaadeenya oo maxaabiista loo kale saaro kuwa lagu qasbo in ciidan laga dhigto waxaana Ogaadeenya ka soo bara kacay kumanaan shacab ah oo meelo badan oo aduunka ah qax ku tagay.

Wuxuu Ururka Suxufiyiinta Qorahay Media ka soo saaray Bayaan & Warsaxaafadeed aan umadda uga digayno anaga oo u sheegayna in uu TVgan ku tuntan anshaxa saxaafada & xeerarka saxaafada isaga oo ku shaqeeya habka laaluushka oo qofkii lacag ugu shubaa uu soo daynayo waxaana la tuhun san yahay in uu TVga Unuversal uu qayb ka yahay dilalka Suxufiyiinta Somaliyeed loo gaysto.

Ahmed Abubukar waxaa dambiile umadda Somaliyeed dambi ka galay gaar ahaan shacabka Ogaadeenya wuxuuna xaqiray jiritaanka shacabka Ogaadeenya & in ay gumaysi ku jiraan isaga oo marwalba aad u buun-buuniya gacanyarayaasha u shaqeeya gumaysiga & barnaamijyo lagu duudsinayo shacabka Ogaadeenya.

Ahmed Abubukar wuxuu  Raaligalin ka bixiyay hadal uu ku caayay Madaxweynaha Maamulka Somaliland kaas oo sababay in laga caydhiyo guud ahaanba Somaliland wuxuuna ka karaali galiyay guud ahaanba shacabka Somaliland isaga oo ka codsaday in uu dib ugu soo noqdo deegaanada Somaliland oo uu hadda mamnuuc ka yahay.

Maamulka Somalilan wuxuu ka raali galiyay hadal kali ah, Ogaadeenyana wuxuu ka gaystaa ficilo xadgudubyo wata oo joogto ah kuwaas oo maalin maalmaha kamid ah lagula xisaabtabtami doono.

Hadaba is weydiintu waxay tahay Ahmed Abubakar ma garwaaqsan donaa in uu shacabka Ogaadeenya ka daayo jariimada joogtada ah ee malin walba ka soo daayo TVga Universal.

W/Q: Mohamed Ibrahim
wadani2014@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid