Qorshaha ciidanka Kenya looga saarayo Somalia oo uu war ku soo kordhay

Muqdisho (Caasimada Online)  – Madaxweynaha dalka Kenya Uhurro Kenyaatta ayaa lagu wadaa inuu magacaabo Guddi ka shaqeyn doona sida ciidamadiisa looga saari lahaa dalka Somalia.

Guddiga uu magacaabi doono Madaxweyne Kenyatta ayaa ka koobnaan doona Khubaro ciidan iyo caawiyayaal laga soo dhex xuli doono aqalka looga arrimiyo dalkaas.

Khubarada dhanka ciidan ee qeybta ka noqon doona Guddiga ayaa waxaa ka dhex muuqan doona Saraakiil iminka qeyb ka ah Taliska AMISOM qeybtiisa Somalia.

Madaxweyne Uhurro Kenyatta ayaa sheegay inay aqbali doonaan talaabo waliba oo laga maarmi waayo, waxa uuna carab dhabay inay ixtiraami doonaan go’aan kasoo baxay Golaha Amaanka QM ee soo saaray xiliga ciidamada Kenya laga saarayo Somalia.

Qaramadda Midoobey ayaa shaacisay in Ciidamada dowladda Kenya ee ku sugan Koonfurta Soomaaliya in ay dalkooda dib ugu laaban doonaan,islamarkaana arintaasi ay qeyb ka tahay qorshaha dhimista Ciidamada Midowga Afrika ee ka howlgalla Gudaha Soomaaliya.

Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) ayaa qorsheynaya in ay ka baxaan Soomaaliya muddo laba sano ah ka dib sida ku cad wakhtiyada ay soo diyaarisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Sida laga soo xigtay Qaraarkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee 2372 (2017), ciidamada Kenya ayaa Soomaaliya ka baxaya bisha Disembar 2020-ka.

Si kastaba ha ahaatee, Taliyaha Guud ee ciidamada Kenya ayaa sheegay in lagu wargeliyay in laba sano gudahood ay kaga baxaan Gudaha Soomaaliya, islamarkaana ay dalkooda iyo Xuduudooda ay dib ugu laabtaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com