Shariif Xasan oo gobolka Sh/hoose u magacaabay guddoomiye cusub

Afgooye (Caasimada Online) – Wareegto kasoo baxday Xafiiska Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxaa lagu magacaabay Gudoomiyaha cusub ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Wareegtada magacaabista oo soo baxday shalay oo Taariikhdu ay ku beegneyd 20-ka May 2018-ka ayaa waxaa Guddoomiyaha cusub ee gobolka Shabeellaha Hoose loogu magacaabay Maxamed Ibraahim Barre.

Hogaamiye Shariif Xasan ayaa sheegay in magacaabistan ay timid kadib markii uu dhageystay talo soo jeedinta Wasiirka arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee maamulka Koonfur Galbeed.

Sheekh Shariif ayaa sidoo kale Guddoomiyihii hore ee gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali (Najax) oo laga qaaday xilka u magacaabay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.