Qorshaha Somaliland looga jarayo dhaqaalaha oo qabiil isku rogay & xildhibaano…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada ka tirsan Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee ka soo jeeda maamulka Somaliland ayaa ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karta hadii dowladda federaalka Soomaaliya ay hakiso deeqaha gargaarka ee Beesha Caalamka ay sida gaarka ah u siiso Somaliland.

Senator Nuuro Faarax Jimcaale oo ka mid ah Baarlamaanka Aqalka Sare ayaa Idaacadda Risaala ee magaalada Muqdisho u sheegtay in wax laga xumaado ay tahay in maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe ay isku raacaan in la jaro deeqaha la siiyo Somaliland.

“In maamul goboleedyada ay yiraahdaan Somaliland waa in laga joojiyaa wax allaale wixii caawimaad ah ee la siinayay taasi waxay keeneysaa cawaaqib xumo oo horseedi kara in Soomaaliya ay kala tagto, waxaan aaminsanahay in taasi ay tahay in la sii fogeynayo arrinta Somaliland, waxaan maamulada ugu baaqeynaa in arrimaha Somaliland ay faraha kala baxaan.” Ayay tiri xildhibaan Nuuro.

Xubnahanan ka kala tirsan Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa waxa ay sheegeen in ay wadaan qorshe ay xukuumadda Soomaaliya wax kaga weydiinayaan arrintan, sida ay inoo sheegtay Senator Nuuro Cali Faarax.

Qoraal ay shalay si wadajir ah u soo saareen Golaha iskaashiga Dowlad goboleedyada ayaa waxa ay ku taageereen go’aankii dowladda Soomaaliya ay ku hakisay deeqihii la siin jiray Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com