Qorshaha dhismaha 32,000 oo ah ciidamo boolis isku dhaf ah: Riyo aan sal laheyn

By Asad Cabdullahi Mataan

Inta aan u guda galin mowduuca, bal aan dib isku xasuusino taariikhda. Sida aan wada ogsoon nahay, sanadkii 2012kii, Soomaaliya waxay qaadatay nadaamka federaalka ayadoon ogeyn nooca federaalka uu yahay, inta maamul gobleed uu ka koobnaan doono, xiriirka u dhaxeyn doona dowladda federaalka iyo kan maamul-goboleedyada iyo iyadoo aysan jirin qaanuunkii kala hagi lahaa.

Qodobka 126aad ee dastuurka ku meelgaarka ah wuxuu dhigayaa in boliisku uu u  qeybsamo labo heer: mid federaal iyo mid heer maamul-goboleed ah inkastoo aan dastuurka afti dadweyne loo qaadin.

Sidoo kale 24kii Juun 2016kii shir ay magaalada  Baydhabo isugu yimaadeen Hogaamiyayaashii Madasha Qaranka (National Leadership Forum), waxay ku ansixiyeen Qaab-dhismeedka Cusub ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed (New Policing Model)

Haddii aan wax yar ka soo qaato qodobadii lagu heshiiyay waxaa ka mid ah:

Qodobka 1aad

Labada Heer ee Ciidanka Boliiska

Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed wuxuu u kala baxayaa labo heer:

  1. Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed
  2. Ciidanka Boliiska Dowlad-goboleedyada.

Qodobka labaad 

Maamulka Siyaasadeed

  • Ciidanka boliiska federaalka wuxuu hoos tagayaa Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka
  • Ciidanka boliiska dowladgboleedka wuxuu hoos tagayaa Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowlad-goboleedka

Qodobka 5aad

Miisaaniyadda Boliiska

  • Miisaaniyadda Boliiska Federaalka ah waxaa bixinaya Dowladda Federaalka
  • Miisaaniyadda Boliiska Dowlad-goboleedyada waxaa bixinaya dowlad goboleedyada
  • Deeqda beesha caalamka siiyaan boliiska waxaa loo qeybsanayaa si cadaalad ah oo isku dheeli tiran

Waxaa intaa sii dheer oo la qabtay shirar kala duwan oo looga arrinsanayay dariiqa ugu wanaagsan ee lagu dhisi karo ciidan boliis ah oo hanan kara nabadgelyada bulshada soomaaliyeed. Shirarkan waxaa ka soo qeybgalay dhammaan ciidanka boliiska iyo wasiiro heer federaal iyo mid goboleedba.

Waxaa la isla gartay qorshe loogu magacdaray Heegan Plan oo ka tarjumaya baahida ciidanka boliiska soomaaliyeed. Maadaama ay baahidu badan tahay waxaa lagu heshiiyay in laga soo qaado  inta ugu yar ee saldhig ku howlgali karo ha ahaato dhismiha saldhiga, ciidanka ka howlgalaya iyo agabka ay u baahan yihiin ayadoo lagu saleynayo saldhigyadii hore u jiray xilligii dowladdii dhexe oo badankood burbursan.

Qorshahan oo laga soo shaqeynayay 2015kii ilaa 2016kii, waxaa gacan ka geystay beesha caalamka sida AMISOM iyo UNSOM, waxaa la galiyay dadaal iyo kharash badan si loo helo qorshe mideysan oo ay raali ka yihiin dhammaan maamul-goboleedyada. Waxaa lagu guuleystay in qorshahaas la hor dhigo Golaha Amniga ee Qaramida Midooday. Sida ku cad warbixintii Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ka soo baxday 8dii Janaayo 2016kii (S/2016/27) in bulshada caalamka u aqoonsatay Heegan Plan  in uu yahay Living Document ( dokumenti nool oo muhiim ah oo u baahan in hore loo sii wado).

Haddaba waxaa nasiib daro ah in meeshii horey looga sii wadi lahaa in hadda la yiraahdo 32,000 (soddon iyo labo kun) oo ciidan boolis ah oo isku dhafan ayaa la sameynayaa. Su`aalaha muhiimka ah ee in la isweydiiyaa mudan baa waxay tahay haddiiba dastuurka ku meelgaarka ah iyo heshiisyadii madaxdii dalka qirayaan in uu jiro boliis heer federaal iyo mid maamul-goboleed, sideey ku dhici kartaa in la yiraahdo boliis isku dhaf ah ayaan sameyneynaa?, sow ka hor imaanmeyso dastuurka iyo heshiisyadii hore ee Madaxda Qaranka?, Yaa bixinaya kharashka ciidan isku dhaf ah oo intaan la eg?, sidee loogu qeybinayaa maamulada jira, yaase xulaya?, xageey ka howlgalayaan?, yaa xukumaya oo hoos imaanayaan?.

Sida ku cad qodobada kor ku xusan, ciidanka boliiska maamul-goboleedyada, waxay hoos tagayaan wasiirka amniga maamul-goboleedkaas, halka kan federaalka uu hoostagayo wasiirka federaalka. Anaga oo maantay la socona in madaxdii maamul-goboleedyada iyo kuwa federaalka ay isku heystaan awoodii arrimaha dibedda qaranka, ma u maleyneysaa in madaxda maamul-goboleedyada aqbalayaan in lagu faragaliyo arrimaha amnigooda hoose?.

Arrintu si kastaba ha ahaatee,  waxaan dowladda Soomaaliyeed kula talin lahaa wax cusub oo la bilaabo waxaa ka haboon in dib loo fiiriyo oo la habeeyo wixii horay u jiray. Juhdi iyo kharash badan ayaa la galiyay qorshaha boliiska ee Heegan Plan. Faa`iidooyinkii ugu weynaa ee laga helay qorshahan waxaa ka mid ah in la sameeyay Manhaj Tababar oo middeysan, in ciidanka boliiska ay ku soo biireen dhalinyaro aqoontoodu gaarsiisan tahay heer dugsi sare ilaa jaamacadeed.

Ugu dambeyntii, meel fiican ayaa la gaarsiiyay qorshaha boliiska ee Heegan Plan oo laga sii ambaqaadi karo. Dhammaan hay`adaha iyo maamulada ay quseyso gudaha iyo dibeddaba waa laga qeybgaliyay weyna ku qanceen, marka looma baahno in dadaalkaas la qasaariyo oo la bilaabo arrin cusub oo lagala kulmi karo caqabado iyo khilaaf hor leh.

W.Q: Said Hassan

Ref:

Qaab-dhismeedka Cusub ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed 2016
Heegan Plan 2016.
UN Security Council (2016/2017). Report of the Secretary-General on Somalia.

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid