Qorshaha Donald Trump ee Somalia kahor inta aanu xilka ka degin oo la shaaciyey

Washington (Caasimadda Online) – Warbaahinta Mareykanka ayaa baahisay in Donald Trump uu qorsheynayo in laba dal laga soo saaro ciidamada Mareykanka, ka hor inta aanu xilka ka degin 20-ka Janaayo ee 2020.

Qorshahan ayaa la rumeysan yahay inuu sababay isbeddel uu Trump ku sameeyey hoggaanka wasaaradda gaashaandhigga ee Pentagon-ka, isaga oo xilka ka qaaday xubno la rumeysan yahay inaysan taageersaneyn qorshahan.

Donald wuxuu shaqada ka eryay Mark Esper, oo ahaa wasiirka gaashaandhigga Mareykanka, oo ay Trump is khilaafeen dhowr bil ka hor.

Washington Post, oo xiganeysa qof mas’uul ah kana tirsan Aqalka Cad, ayaa sheegtay in Donald uu wali doonayo in qaar ka mid ah dalalka ay ciidamada Mareykanka joogaan laga soo celiyo, waxaana ka mid ah Soomaaliya iyo Afgaanistaan.

Warbaahinta Mareykanka waxey aaminsan tahay in Donald Trump uu bilaha soo aadan fulinayo qorshahaan, waxaana laga yaabaa in ciidamada Mareykanka laga saaro gudaha Soomaaliya iyagoo si weyn u caawin jiray ciidamada xoogga dalka.

Bishii August ee sanadkaan ayey mar warbaahinta warisay in ololaha doorashada ee Donald Trump uu ku raadinayo inuu dib ugu soo laabto madaxtinimada ay ka mid tahay inuu kasoo saaro ciidamada wadamada Soomaaliya iyo Afgaanistaan.

Isku darka labada wadan waxaa Mareykanka ka jooga 4,500, (700) ka mid ah waxey joogaan Soomaaliya halka wadanka Afgaanistaan ay joogaan 3,800 kun, waxaana jira walaac ay wadamada Soomaaliya iyo Afgaanistaan ka qabaan wararkaan isi soo taraya ee laga yaabo inuu dhaqan galiyo Donald.

Mareykanka ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga 700 oo askari, kuwaas oo badankood ah ciidamo gaar ah oo gacan ka geysta tababarka ciidamada Soomaaliya. Dhammaan ciidamadan ama badankood ayaa waxaa la diray intii uu Trump xukunka hayey.

Trump ayaa bartamihii 2017 billaabay inuu ciidamo dheeri ah u diro Soomaaliya, taasi oo qeyb ka aheyd dadaallada ka hor-tagga argagixisada.

Inkasta oo dowlado badan ay ku tiirsan yihiin ciidamada Mareykanka, haddana bixitaankooda waxay Trump u ogolaan doontaa inuu sheegto inuu ka dhabeeyey ballan-qaad uu sameeyey intii uu socday ololaha doorashada 2016, oo ahaa inuu dhameyn doono dagaallada dibedda, isaga oo horey ciidamada Mareykanka uga soo qaaday Afghansitan, Syria iyo Jarmalka.

Trump ayaa looga adkaaday doorashadii Mareykanka ka dhacday 3-dii November, waxaana xilka kala wareegay Joe Biden 20-ka Janaayo 2021. Haddii Trump uusan ku guuleysan inuu ciidamada Mareykanka ka saaro Soomaaliya ka hor xilligaas, waxay u badan tahay in Biden uu joojiyo qorshahan.