Qorshaha ka dambeeya ku biirista Fiqi ee baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Baydhaba (Caasimada Online) – La-yaab ayey noqotay markii shalay safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub, Axmed Saciid Fiqi uu kasoo dhex muuqdey liiska xildhibaanada cusub ee baarlamanka Koonfur Galbeed.

Dad badan ayaa rumeysan waayey in Fiqi oo xil aad u sarreeya u haya qaranka uu raadsado xildhibaan maamul goboleed, hase yeeshee waxaa hadda soo baxaya xog dheeri ah oo ku saabsan sababta uu sidaas u sameeyey.

Xogo laga helay illo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in la qorsheynayo in Fiqi laga dhigo afhayeenka baarlamaanka maamulkaas, kadib markii meesha laga saaray afhayeenkii hore.

Shariif Sheekhunaa Maye ayaa haatan haya xilka guddoomiyaha, wuxuuna aad ugu dhowaan maamulkii Shariif Xasan Aadan oo is-casilay kahor doorashadii December, 2018, hase waxaa iminka xitaa loo diiday inuu xildhibaan noqdo, oo waxaa ka hor-istaagtay xukuumadda.

Ma jirto shaacin rasmi ah oo ka timid Fiqi oo ku saabsan in uu iska casilay xilka danjiraha EU-da si lamid ah safiirka dalka u fadhiya Belgium-ka, hase yeeshee waxaa la filayaa inuu dhowaan sidaas sameeyo.

Dowladda Farmaajo ayaa tan iyo markii ay xafiiska timid bishii Febraayo ee sanadkii 2017-kii waxay dedaal badan gelisay sidii ay gacanta ugu dhigi lahayd maamul goboleedyada, talaabadaas oo la dhaleeceeyay.

Badi sharci-dejiyeyaasha kusoo baxay xeer-dejinta ayaa ah wejiyo cusub, taasoo ka dhigan in ay ku yar yihiin xubnihii hore, waxaana laga soo buuxiyey taageerayaasha dowladda.

Si kastaba, xitaa haddii Fiqi laga dhigo guddoomiyaha cusub, waxaa weli ay su’aal ka taagan tahay midka muhiimsan xilkaas iyo kan hadda la filayo inuu ka tago.