Qorshaha Xasan Sheekh, Muungaab, Guuleed & Farax C/Qaadir ee Xamar

Isbedelka Muqdisho u baahneyd ma yahay kan haatan socda? Guuxa Dadweynaha Muqdisho, Ma waxaan ku soconaa wadadii Madaxweynihii Masar ee Mohamed Mursi!?

Shacabka magaalada Muqdisho ayaa maalmahaan is weydiinayey isbedelka Muqdisho u baahneyd ma yahay kan haatan ay wadaan Masuuliyiinta Dawladda oo ay ugu horeeyaan Madaxweyne Hassan Sheikh, Wasiirka Amniga Cabdikariin Guuleed, Wasiirka Cadaaladda Farah Abdulkadir iyo Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Gen Muungaab, Masuuliyiintaan oo dhamaantood ka tirsan xarakada Damu Jadiid.

Isbedelada haatan lagu sameynayo Maamulada Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa haatan shacabku isla dhexmarayaan in Kooxda Damu Jadiid masuuliyiinta ay magacaawday dhamaantood yihiin dhalinyaro ka tirsan firqada xarakada islaamiga ah ee Al Islaax qeybteeda Damu Jadiid, Dhamaan dhalinyaradaan waxbarashadoodu waxay ka soo Jeedaa jaamacada SIMAD oo ay Hay’adda AMA ee uu hogaamiyo Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka Mr Farah Abdulkadir maamusho iyo Jaamacadaha Sudan ee ay xiriirka la leeyihiin Kooxda Damu Jadiid, ayna kamid tahay International University of Africa, Dhalinyarada Xarakada Damu jadiid ayaa haatan qaarkood loo magacaabay degmooyin kamid ah gobolka Banaadir iyo agaasimo waaxeedyada Maamulka gobolka Banaadir.

Dhalinyarada Xarakada Damu Jadiid oo CV-yadooda lagu xardhay Magaca Jaamacada SIMAD iyo Jaamacada International University of Sudan ayaa maalmahaan buux dhaafiyey xafiisyada Gudoomiye Muungaab, Wasiirka Cadaalada Farah Abdulkadir iyo Wasiirka Amniga Cabdikariin Guuleed, iyaga oo wata magacyada degmooyinka ay doonayaan in Maamulkooda loo dhiibo, Dhalinyaradaan oo aan lahayn qibrad Maamul, kana wada tirsan hal koox ayaa shacabka Muqdisho ka muujiyeen Shaki balaaran iyaga oo isweydiinaya in masuuliyiinta xilka laga qaadayo lagu saleeyay xilka qaadistooda waxqabad la’aan iyo in Lagu saleeyay inaysan ka tirsaneyn Kooxda Damu Jadiid, Halka shacabka Muqdisho xaqiiqsadeen masuuliyiinta ilaa haatan la magacaabay iney yihiin xubno ka tirsan Xarakada Damu Jadiid.

Shacabka Muqdisho oo kasoo daalay Xarako Islaami ah ayaa mudadii ay jirtay dawladda Madaxweyne Hassan Sheikh xaqiijiyey in Xarakada Damujadiid kusoo badanayeen Xafiisyada Dawladda sida Madaxtooyada, Wasaaradaha iyo haatan oo ay isbedel ku wadaan Gobolka Banaadir.

Isbedelada Noocaan ah ayaa lagu xasuustaa Xukunkii Akhwaanul Muslimiin (Al Islaax) ee Dalka Masar oo uu hogaaminayey Madaxweynaha haatan xabsiga ku jira ee Mohamed Mursi, inkastoo madaxweynahaasi uu doorasho dadweyne ku yimid haddana waxaa kacdoonka ka dhanka ahi bilaawday markii ay xafiisyada Dawladda isku wada magacaabeen Kooxdii Akhwaanul muslimiin, aqoonyahanka iyo waxgaradka reer Masar ee aan ahayn Al Islah ayaa la sheegay inay shaqo la’aan baahsani ku dhacday xiligaasi,taasoo haatan u eg meesha ay Muqdisho mareyso.

Aqoonyahanada iyo waxgaradka Muqdisho ayaa welwel ka muujiyey in koox gaar ahi xukunka dalka iyo kan gobolka Banaadir la wareegto, Maadaama kooxdaani aysan ku imaanin doorasho shacab.

Si kastaba ha ahaatee waxaa jira Masuuliyiin maamula qaar kamid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir oo amniga shacabka iyo adeega bulshada (Amaanka, Jidadka) xaafadaha ay maamulaan wax fiican ka qabtay, masuuliyiintaa oo shacabku kalsooni weyn ku qabaan.

Aqoonyahanka iyo waxgaradka Gobolka Banaadir ayaa ugu baaqaya Masuuliyiinta Dawladda iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir in isbedelka loo baahan yahay uusan noqonin kaliya in qof lagu bedelo qof katirsan Xarako gaar ah, Balse la joogo xiligii la qiimeyn lahaa qofka wax qabadkiisa, shacabka reer Muqdisho dooran lahaayeen Masuuliyiinta hogaamin lahayd.

Isbedelka dadka Muqdisho doonayaan ayaa ah in Federaalka shirkada lagu yahay ku koobnaan Gobolka Banaadir, inta Federaalku ka shaqeynayana Gobolka Banaadir lasoo wareego ilihiisa Dhaqaalaha sida Dekedda, Garoonka iyo Canshuuraha Beriga kasoo xarooda, Canshuurtaasina lagu hormariyo adeegyada Bulshada kunool Gobolka Banaadir oo ka badan 2 milyan oo qofood, Gobolka Banaadir-na uu bixiyaa canshuurta Dawladda Federaalka Soomaaliya qoondadii kaga soo aada Markii Soomaalidu ku heshiiso sida wax u qeybsanayaan.

Inkastoo Muqdisho tahay Caasimadda Soomaaliya haddana shacabka kunool Muqdisho wuxuu u baahan yahay service-ka ay u baahan yihiin shacabka Soomaaliyeed eek u nool Gobolada kale ee dalka, mana haboona in Wasaarado magac u yaal ah loo dhiibaa dhaqaalaha Muqdisho, wasaaradahaas oo dhaqaalaha ay maamulaan aan guud ahaan dalka iyo Muqdishaba wax loogu qaban.

W/Q: Cabdi Axmed Cadde
Muqdisho, Soomaaliya