Muqdisho (Caasimada Online)- Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay xeerka xuquuqda caruurta iyo xeerka xuduudaha gobolada dalka Soomaaliya oo ay soo diyaarisay wasaarada arimaha gudaha.
Xildhibaanada maanta xaadiray xarunta golaha shacabka ayaa gaarayay 159 xildhibaan waxayna ansixiyeen hindise sharciyeedyada xeerka caruurta iyo sharciga xuduudaha.
Dhanka kale xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa mooshin ka gudbiyay xeer ilaaliyaha guud ee qaranka iyo hanti dhowrka dowlada Soomaaliya.
Xildhibaanada ayaa sheegaya in xeer ilaaliyaha qaranka uu amray in golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya inaysan ka dhoofin dalka, maadaama codka kalsoonida ay xildhibaanada kala laabteen.
Mooshinka laga gudbiyay xeer ilaaliyaha qaranka ayaa kusoo aadaya iyadoo dhawaan xabsiga la dhigay agaasimaha wasaarada haweenka xukuumada Soomaaliya, kadib amar kasoo baxay xeer ilaalinta.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
[email protected]

