Muqdisho (Caasimada Online) – Warka ka imaanaya Xarunta Baarlamaanka Federaalka ah ee Somalia, ayaa sheegaya in maanta la arkaayay Gudoomiyaha BF Somalia Maxamed Sheekh Cusman Jawaari oo tashkiilinaayo Kontameeyo Xildhibaano ah.
Mudane ka tirsan BF ayaa sheegay in Jawaari uu Xildhibaanada ku boorinaayay inay fududeeyaan aqbalaada Xukuumada Cusub islamarkaana ay u muujiyaan kalsooni iyo marxabeen.
Mudanaha ayaa waxa uu Tilmaamay in Xildhibaanada uu Jawaari la qaatay kulanka ay u badnaayen kuwii riday Xukuumadii C/weli Sheekh Axmed, waxa ayna maalmahaani ku goodinayen inay is hortaagi doonaan Aqbalaada Ra’isulwasaaraha Cusub.
Sidoo kale, Jawaari ayaa waxa uu Xildhibaanada ugu bishaareynaayay in Xukuumada Cusub ay ka duwanaan doonto Xukuumadihii dalka soo maray, waxa uuna ka codsaday inay fududeeyaan Xukuumada dhalan doonto.
Dadaalka Maxamed Cusmaan Jawaari, ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo Xildhibaanada qaar ay Madaxweyne Xassan ku wargaliyeen inaysan fududeyn doonin Xukuumada Cusub ee hor imaan doonto BF, waa haddii aan la afgaran.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

