28.2 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

XOG: XASAN iyo Siilaanyo oo kulmaya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Xog aan ka helnay Howlwadeenada Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa inoo xaqiijiyay in Madaxweynaha uu dhawaan ku wajahan yahay Magaalada Jabouti ee Cariga dalka Jabuuti.

Xogtu waxa ay sheegeysaa in Madaxweynaha uu halkaasi kulan adag kula qaadan doono Madaxweynaha Maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo isna la filaayo inuu u socdaalo dalka Jabuuti.

Madaxweyne Xassan ayaa waxa uu halkaasi wada hadal kula yeelan doonaa Madaxweynaha Somaliland oo ay kawada hadli doonaan Arrimo ay kamid yihiin midnimada Somalia.

Ma jiro war rasmi ah oo Xukumadda ka soo baxay oo ku aadan Socdaalka Madaxweynaha balse xogaha laga helayo Socdaalka Madaxweynuhu u bixi doono ayaa sheegaya inay halkaasi ku yeelan doonaan wada hadal qayb ka ah wada xaajoodka u socda DF iyo Maamulka Somaliland.

Dhanka kale, wararka aan ka heleyno Madaxtooyada Somaliland, ayaa sheegaya in Safarkaasi Madaxweyne Siilaanyo ay ku wehlin doonaan Xubno Wasiiradiisa ka mid ah, iyadoo sidoo kale la filayo inuu kulanka ka qeyb galo Hogaamiyaha Xisbiga Ucid oo isaguna xiligaani ku sugan Magaalada Jabuuti.

Waxa kale oo kulanka ka qayb galaya Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo la filaayo inuu dhex-dhexaad u noqon doono labada Garab ee DF iyo Somaliland.

Dhanka kale, DF Somalia ayaa wali ku adkaysanaysa inay sii wado wada xaajoodka u dhexeeya DF iyo Maamulka Somaliland, iyadoo la filayo inay Turkiga dib uga furmaan horaanta sanadka fooda inagu soo haya.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News