Cadaado (Caasimadda Onlie) – Iyadoo xalay madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf uu ku dhawaaqay Golaha Wasiirada maamulka Galmudug ayaa durba waxaa arintaasi siyaabooyin kala duwan uga hadlay Xildhibaanada iyo Siyaasiinta ka soo jeeda Galmudug.
Qaar ka mid ah Xildhibaanada Galmudug oo ka hadlay magacaabista Golaha Wasiirada ayaa sheegay iney tahay mid hareer marsan dastuurka Galmudug loona baahnaa in madaxweynaha uu la tashi iyo talo gelin badan uu sameeyo.
Xildhibaan Axmed Yuusuf Ciyow oo ka mid ah Xildhibaanada Galmudug oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in horay madaxweyne Xaaf ugu sheegeen in aysan aqbali doonin hadii uu dib u soo celiyo Wasiiradii Hore.
Waxa uu sheegay in Wasiiradii hore ay inta badan yihiin kuwo aan waxba qaban,sidaas darteedna an ku wargelinay in uusan soo celin balse Go’ankeenu uu yahay inuusan aqbalin.
Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in sababtii ay horay ugu rideen Madaxweynihii hore ee Galmudug ay aheyd in isbedel la helo,laakin taas aysan muuqaan ayna ka go’aan tahay in aanan la ansixin.
Wasiirada xalay lagu dhawaaqay ayaa qaarkood waxay yihiin Wasiiradii hore ee Xukuumaddii C/kariin Xuseen Guuleed,kuwaasi oo lagu eedeeyay waxqabad la’aan.

