Qorshe lagu xirayo boqor Buurmadow oo ka socda magaalada MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ka billowday qorshe ka dhan ah Boqor Buurmadow oo booqasho ku jooga caasimada dalka, kaasi oo lagu rabo in lagu soo xiro, kadib gef weyn oo uu ku kacay.

Boqor Cismaan Abuu Maxamuud (Buurmadow) ayaa markii u horeysay Muqdisho dhexdeeda ka shaaciyey inuu xarakada uga tacsiyadeeyay geeridii Axmed Godane, hogaamiyihii hore ee Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay in xiligaas ay ka cabsadeen Odayaal dhaqameedkii lamidka ahaa inay ka hadlaan geerida Godane, balse asagu uu ka tacsiyadeeyay, maadama uu ahaa Nin ay tol yihiin oo reerka ka dhintay, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxa uu dowlad ku sheegay argagixisada Al-Shabaab, taasi oo ka talisa gudaha Soomaaliya, si lamid ah sida dowladda federaalka, sida uu hadalka u dhigay.

Qorshaha lagu soo xirayo Buurmadow ayaa waxaa hormuud ka ah Guddoomiye kuxigeenka Amniga gobolka Banaadir, Cali Yare Cali oo gudbiyey dacwad ka dhan ah Buurmadow, dalbadayna si loo xiro.

“Waxaa ayidsanahay Banaanbaxa ay shacabka Gobolka Banaadir qabanqaabadiisa wadaan si ay uga dhiidhiyaan gefkii ka soo yeeray Buurmadoow ee uu cadowga Alshabaab ku taageeray uguna aqoonsaday “Dowlad” reerkiisu maamulo,” ayuu yiri Cali Yare Cali.

“Hadalkii jeesjeeska ahaa ee Barmadoow ma noqon doono mid sidii sahlaneyd ee uu uyiri looga gudbo ee meel looga qanci karo ayaan uga soo hari doonnaa.”

Hadalka kasoo yeeray Boqor Buurmadow ayaa dad badan la yaab ku noqday, wuxuuna gef ku yahay dowladnimada, maadama koox argagixiso ah oo mana-xayaal ah la siiyo xaq “dowladnimo”.