Golaha Wakiilada Puntland oo u yeeray dhammaan hoggaanka ciidamada kala duwan ee maamulkaas

Garoowe (Caasimada Online) – Xildhibaanada Baarlamaanka Maamul Goboleedka Puntland ayaa dacwad ka gudbiyey saraakiisha ciidamada kala duwan ee maamulkaas kadib markii ay ku eedeeyeen inay ilaalin waayeen xasaanadooda kadib kulan ay Maanta ku yeesheen Magaalada Garoowe.

Xildhibaanada dsacwadda gudbiyey oo uu ugu horreeyey Xildhibaan Xaraf ayaa waxay sheegeyn inay xayiraad kala kulmeyn ciidamada Puntland iyagoo ku jira shaqo ay sheegeyn inay u qabanayeen dadka ay ku matalaan Baarlamaanka.

Guddooniyaha Golaha Wakiilada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jabriil ayaa sheegay in inta lagu guda jiro kal-fadhiga 16-aad ay Golaha Wakiilada horkeeni doonaan dhammaan Saraakiisha Ciidamada kala duwan ee Puntland si wax looga weydiiyo ilaalinta xasaanadda Xildhibaannada.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray inay soo noq noqatay arrimaha ku saabsan xayiraada ay Ciidamada mararka qaar ku hayaan Xildhibanada Baarlamaanka Puntland.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay in qof walba uu xor u yahay fikirkiisa iyo dhaq-dhaqaaqiisa intaba.

Cabashadaan kasoo yeertay Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada Puntland ayaa ka dambeeysay kadib markii dhowr jeer Shaqooyin iyo howlo kale oo u gaar ahaa laga hor-istaagay Xubno kamid ah Baarlamaanka Puntland.

Sidoo kale dacwadda ayaa kusoo aadeyso xilli uu jiro khilaaf u dhaxeeyo madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo hoggaanka ciidamada PSF.