Qorshe uu keenay Cumar Cabdirashiid kala fogeeyey Deni iyo Axmed Madoobe iyo Midowga Musharaxiinta

Muqdisho (Caasimada Online) – Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Madoobe waxay u muuqdaan inay si weyn uga sii fogaanayaan xubnaha Midowga Musharaxiinta Mucaaradka.

Labadaan hoggaamiye goboleed waxay waqti dheer is hayeen madaxweyne Farmaajo, colaadda danta gaarka ah ku dhisan ee iyaga iyo Farmaajo u dhaxeysa ayaa keentay in mucaaradka midoobay helaan Laba maamul Goboleed oo xagga aragtida ay isaga dhow yihiin, gaar ahaan aragtida laga qabo nidaamka Madaxweyne Farmaajo.

Maalmo badan dano ayaa isaga dhex jiray mucaaradka iyo Labadaas Maamul Goboleed, laakiin tan iyo markii uu dilaacay damaca Saciid Cabdullaahi Deni ee ku wajahan Villa Somalia cilaaqaadkooda ma uusan fiicneyn.

Mucaaradka midoobay waxaa u muuqda inuu Deni rabo inuu kaligiis qaato mirihii dagaalkii sanadaha soo socday, balse sidaas oo ay tahay weli waxaa jiray waxyaabo laga wada shaqeyn jiray oo ay ugu muhiimsaneyd in la saxo hannaanka doorashada dalka.

Todobaadkii hore waxaa Muqdisho kusoo laabtay Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo Laba jeer Ra’iisul Wasaare kasoo noqday dalka. Cumar oo loo arko siyaasi xasiloon oo mar walba qaba aragtida is aqbalaada fudud ayaa la yimid dood ah Farmaajo iyo mucaaradka midna gacanta waxba uguma jiraan ee sidee awoodiina usoo ceshan kartaan.

Cumar Cabdirashiid iyo Saciid Cabdullaahi Deni waxaa dhex yaala loolan culus iyadoo uu Saciid Deni kursigii Aqalka Sare ee Cumar siiyey qof uu aaminsan yahay inuu berri cod siin doono.

Midowga musharixiinta mucaaradka iyo Cumar Cabdirashiid ayaa deg deg isku qaatay, waxay billaabeen inay ka talo-galiyaan doodaha horyaalla iyo sida arrimaha cakiran loo xallin karo.

Kusoo biiristii Cumar ee Midowga Musharaxiinta waxay si weyn usii kala fogeysay Saciid Deni iyo xubaha midoobay ee mucaaradka. Sidoo kale waxaa la sheegay in dooda Cumar ee ah Farmaajo iyo mucaaradka ha is-aqbalaan lagana fakaro 2 sano oo awood wadaag ah haddii maamulada sidaan kusii wadaan doorashada, ayaa iyadana la sheegay inay Axmed Madoobe xiradii kasii saartay.

In Farmaajo sii joogo Villa Somalia oo uu la heshiiyo mucaaradka Xamar ku sugan waxay Axmed Madoobe u tahay geeri siyaasadeed.

Deni iyo Madoobe hadda mucaaradka waa ay ka xarig furteen, midkood Cumar Cabdirashiid ayuu si shakhsi ah u diidan yahay waana Saciid Deni, midna wuxuu ka walaacsan yahay qorshaha uu wado ee isku soo dhaweynayo Farmaajo iyo Mucaaradka.

Axmed Madoobe wuxuu diiday inuu sugo inta wax laga qabanayo cabashada ay mucaaradka ka keeneen doorashada, wuxuuna soo tuuray 14 kursi oo Golaha Shacabka ah. Sidoo kale Saciid Deni ayaa la sugayaa inuu isagana sidaas oo kale sameeyo marka uu iska xaliyo dhibaatada ka heysata magaalada Boosaaso.

Dhinacyadii shalay isku danta ahaa maanta daris ma ahan. Doodda uu Cumar Cabdirashiid la yimid ee ah inay Farmaajo iyo mucaaradka u fakaraan si ka duwan sidii hore waxay dili kartaa aragtida awood maroorsiga ah ee madaxda gobollada.

Kooxaha labada dhinac ee mashruucaan u riyaaqsan ayaa xoojiyey shaqadooda dhowrkii Maalmood ee lasoo dhaafay. Madaxweyne Farmaajo waxaa la sheegay inuusan aad ugu qanacsaneyn doorashadaan boobka ah uuna ka walaacsan yahay inay aqoonsi heli karto doorasho noocaan, balse waxaa laga soo wariyey in haddii uu xal kale keeno xataa inuu aaminsan yahay inay mucaaradka diidi doonaan.

Hadda aragtida ka timid dhanka Cumar Cabdirashiid labadaba kama didsana, balse madaxda Gobolada kuma qanacsana inay is fahmaan Farmaajo iyo mucaaradka taasoo xitaa keeni karta in doorashadaan boobka ah cod wadajir ah lagu laalo.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii