Qoys degganaa magaalada Ceelwaaq oo gurigooda lagu qarxiyey + Khasaaraha

Garbahaarey (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax khasaare geystay oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, kaas oo dhaliyey dhimasho iyo dhaawac intaba.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay guri ku yaalla gudaha magaaladaasi, waxaana ay waxyeelo kasoo gaartay dad isku qoys ahaa.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan ay ku dhimatay Hooyada reerka, sidoo kalena ay dhaawacmeen wiil ay dhashay iyo sidoo kale Seygeeda.

Ma cadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa qaraxaasi oo uu khasaaraha kasoo gaaray dadkaasi shacabka ah, islamarkaana ahaa isku qoys.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuw ammaanka oo gurmad u fidiyey qoyska ay waxyeelada kasoo gaartay miinada kula qarxday gurigooda.

Ilo deegaanka ah ayaa sidoo kale innoo sheegay in haatan ay socdaan baaritaano dheeraad ah oo ay wadaan saraakiisha laamaha ammaanka ee ka howl-gala degmada Ceelwaaq.

Xaaladda ayaa haatan degan, waxaana sidoo kale dadka ay dhaawacyada soo gaareen la geeyey goobaha caafimaadka ee magaaladaasi.

Ceelwaaq ayaa waxaa ku sugan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya oo inta badan howl-gallo ballaaran ka sameeya gudaha degmadaas oo dhacda koonfurta dalka.