Qoys dhan oo ku dhintay guri kula soo dumay Hargeysa

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in arrin murugo leh ay saaka ka dhacday gudaha magaaladaasi, kadib markii qoys dan yar ahaa uu ku soo dumay dhismo ay ka daganaayeen xaafadda Bir-jeex.

Qoyska ayaa ka koobnaa illaa afar ruux oo kala ahaa labo caruur ah, Aabahood iyo hooyadii reerka, kuwaas oo dhammaan ku dhintay isla goobta.

Reerkaan ayaa deganaa Aqal Soomaali ka dhex dhisnaa dhismo qadiimi ah oo ku yaalla xaafadda Bir-jeex, kaas oo ka mid ah guryihii uu dhisay Ingiriiska.

Aabaha qoyska ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Feysal Aadan Caddi, halka hooyaduna ay aheyd Xaamilo, sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo deegaanka ah.

Sidoo kale waxaa goobta ay dhibaatadu ka dhacday gaaray mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland, sida Duqa Hargeysa, guddoomiyaha gobolka Maroodi-Jeex iyo taliyaha guud ee ciidanka Dab Damiska maamulkaasi, kuwaas oo ka qeyb qaatay gurmadka la fidiyey.

Meydka afarta qof oo ugu dambeyn laga soo saaray dhismaha hoostiisa ayaa waxaa la geeyey isbitaalka magaalada Hargeysa.

Arrintaan ayaa murugo xanuun badan ku reebtay dadka deegaanka oo haatan si aad ah u hadal haya dhacdadaasi murugada leh.