C/raxmaan Cirro oo beesha caalamka u gudbiyey arrin halis ku ah MUUSE BIIXI

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga Wadani ee Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cirro oo kulan gaar ah Nairobi kula qaatay wakiillada Midowga Yurub iyo danjire ku xigeenka Mareykanka ay kala hadlay xaaladda maamulkaasi.

Ugu horreyn Cirro ayaa u sheegay xubnahaasi in Somaliland oo muddo ku jirtay deganaasho ay hadda ku socoto dagaal Sokeeye, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyey madaxweynaha talada haya ee Muuse Biixi Cabdi inuu ka shaqeynayo nabad gelyo darro, islamarkaana uu doonayo in dagaal iyo fowdo ay dib ugu laabato Somaliland.

“Muuse waxaa uu doonayaa in uu gaaro ahdaaf uusan ku gaarin dagaalkii sokeeye ee sanadkii 1994tii,taas waxaa ay ka soo horjeeddaa rabitaanka Dadka Somaliland” ayuu yiri guddoomiyaha xubiga mucaaradka Wadani ee Cabdiraxmaan Cabdullaahi (Cirro).

Dhinaca kale ergo ka socoto xubnaha Beesha Caalamka ayaa 18-ka bishan booqasho ku tago doono Somaliland, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo ku dhow kulanka dhexmaray Cirro, wakiillada Midowga Yurub iyo danjire ku xigeenka dalka Mareykanka.

Sidoo kale ilo wareedyada aan la hadalnay ayaa sheegay in safarka ergadaasi uu qaadan doono muddo labo cisho ah, islamarkaana ay la kulmi doonaan Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo hoggaanka xisbiyada mucaaradka maamulka gooni isu taaga ee Somaliland.

Xaaladda siyaasadeed ee Somaliland ayaa muddooyinkii la soo dhaafay aheyd mid kacsan, taas oo ka sii dartay, kadib markii Golaha Guurtida iyo kuwa Wakiilada ee maamulkaasi ay sameysteen muddo kororsi cusub oo ay ka biyo diidan yihiin hoggaanka xisbiyadu.