Qoys reer Muqdisho ah iyo Qoysika Madaxweyne C/llahi Yuusuf AUN oo is heysta + DF oo lagu eedeeyay eexasho

Muran dhuleed ayaa ka dhex oogan qoys degan magaalada Muqdisho iyo qoyska allaha u naxariistee madaxweynihii hore ee Somalia Cabdullahi Yuusuf Axmed.

Arrintan ayaa la xiriirta dhul ku yaalla xaafadda Buulo-Xuubey ee magaalada Muqdisho, oo qoys Soomaaliyeed ay ku nool yihiin, balse qoyska madaxweyne Yuusuf ay sheegteen lahaanshaha dhulkaas, sida qoyska iminka degan oo laga saaray dhulkaas ay inoo sheegeen.

Nooma suurta galin inaan la xiriirno qoyska Madaxweyne Yuusuf, waana soo dhoweyneynaa haddii ay arrintan nagala soo xiriiraan, hase yeeshe qoyska kale ayaa xiriir nala soo sameeyay.

Waxaa xafiiska shabakadda Caasimada Online ee magaalada Nairobi lasoo gaarsiiyay qoraal cabasho ah oo ku aaddan, guryaha ay burburisay Dowladda Somalia, oo dhulkaas ka dhisnaa.

Guryaha la bur buriyay ayay dowladda ku sheegtay in laga dhistay dhul uu lahaa madaxweynihii hore ee Somalia, C/llaahi Yuusuf Axmed, oo ku yaalla xaafadda Buulo-Xuubey ee degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.
Qoraalka cabashada ah ayaa u qornaa sidan:-

Annagoo ah qoyska reer Nuur Yalaxow, waxaan halkaan kaga cabaneynaa arrin dhacday shalay oo ay fuliyeen, dad ika tirsan mas’uuliyiin dowladda Somalia, oo uu ugu horeeyo afhayeenka Police-ka Muqdisho Cabdullahi Xasan Bariise.

Bariise ayaa arrintan ku qirtay hadal uu siiyay Idaacadda dowladda ee Radio Muqdisho, isaga oo ku andacoonayo in uu cagta mariyey dhul laga heystay madaxweynihii hore ee Somalia Cabdulaahi Yuusuf.

Arintaan ayaa waxey la xiriirtaa dhul ku yaala xaafada Buulo Xuubey oo dad shacbi ah lee yihiin kuna noolaayeen dad shacab ah, hase yeeshee dadka in ay ka socdaan dowlada isku sheegaya, ayaa waxey ku andacoonayaan in dhulkaan uu lee yahay Cabdulaahi Yuusuf oo ahaan jiray Madaxweynihii Somalia, balse xoog looga heystay, sida ay yiraahdeen.

Waxaa is weydiin mudan yaa dhici karo qof madaxweyne ah oo Muqdisho muddo ka talinaayey? Ma kula tahay in qof shacbi ah sidaa sameyn karo?

Waxa aan rabnaa in hadii Cabdulaahi Yuusuf qoyskiisa ay heystaan documentigii dhulka ay la imaadaan, oo ay u soo maraan wasaaradda garsoorka oo aysan u soo marin wasiirro dhuuni qaate ah oo aan shaqo ku laheyn habka cadaaladda oo un u dhuun daloolo laaluush iyo dhaca umadda soomaaliyeed ee aan awoodda lahyn.

Waxaan halkaan ka cadeyneynaa in aanan ka hareyn dhulkaan oo aan u heysano documentigii aan ku gadaney oo aan diyaarna u nahay in aan la marno sidii cadaaladda qabto, intii ka danbeysa dhibka dhaceyna lala xisaabtami doono oo aysan jiri doonin in leys dhaco ama awood dowladeed lagu dhaco hanti shacab leeyahay.

Waxaa cad in aysan wax cadaalad ah jirin dhac iyo laaluushna ay ku lugo leeyhiin arrintaan, iyadoo la wada ogyahay, islamarkaana aysan ahayn sida loo sheegay.

Xaqa wuu cadaan doonaa insha allaah.
Waxaa qoray: Maryan Nuur Yalaxow, email: marianruun1@hotmail.com