Qoyska gabadhii loo dilay Axmed Dowlo oo hadlay “Lama bixin, xaaraan ayaa lagu haystaa gabadheena”

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalinba Maalinta ka dambeyso isa soo taraya wararka ku saabsan falkii argagaxa lahaa ee ka dhacay Magaalada Muqdisho kaasoo lagu gubay Allaha u naxariistee Marxuum Axmed Dowlo.

Markii hore kaliya waxaa arrintaan ka hadlayey qoyska uu ka baxay Marxuumkaas, waxaana wax war ah laga waayey qoyska kale ee dhalay Gabadha isla markaasna dilka geystay.

Waxaa hadda bilowday hadallada qoyska Gabadha dhalay oo banaanka soo dhigay arrimo ay sheegeen inaan dadka loo sheegin, oo qisadaan kasii dhigaya mid halisteeda leh isla markaasna ay noqon doonto mid lagu wareero xalinteeda.

Qofkii ugu horeeyey ee kamid ah qoyska Gabadha oo arrintaan ka hadlay ayaa noqday wiil la dhashay gabadha sababtay kiiskan ee Ruqiya C/llaahi Maxamed, ninkan oo ay isku hooyo yihiin Ruqiya laguna magacaabo Axmed Iidow ayaa sheegay in gabadha aan la bixin, isla markaana si sharci darro ah oo an xalaal ahayn uu ku heysto wiilka la baxsaday.

Wiilkaan ayaa tilmaamay in Ruqiya ay tahay Gabar  yar oo 15 jir ah isla markaasna ka tirsan bah yarta qoyskaan oo ka kooban laba bah, isagoo intaas ku daray inay gabadhaan ku jirtay waxbarasho heerka Dugsiga sare.

Wuxuu intaas ku daray in gabadhaan loo waday Dalka Turkiga si ay halkaas ugu dhameystirato wabarashadeeda.

Mar uu wiilkaan ka hadlayey in Gabadhaan uu bixiyey aabaheed ayaa warkaas ku  tilmaamay inuu yahay mid been abuur ah, wuxuuna xusay in aabaheed uu xanuunsanaa oo maanta uun (shalay) uu kasoo baxay Isbitaal, isla markaana aysan jirin cid gabaddhaasi bixisay oo ay doonayaan in dib loogu soo celiyo Gurigeeda.

“Gabdhaas ma jirto cid bixisay, mana bixin doono, xaaraan ayaa lagu heystaa, waxa socdo waa sino, waa arrin dan laga leeyahay.. gabadhaas waa la sixray, hal mar xitaa ma hadlin markii TV-ga lasoo fariisiyey…” ayuu yiri Axmed oo la dhashay gabadha isagoo ku dhaartay inuu xaqiiqo sheegayo, waxaan si toos ah looga wareystay Facebook xalay.

Wiilka ayaa ka dhawaajiyey in Gabadha Hooyadeed ay xirneyd muddo 5 berri ka hor inta uusan dhicin falkii lagu dilay Axmed Dowlo oo aysan iyada qeyb ka aheyn.

Wiilka ayaa sidoo kale Dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay iska hubiso kiiskaan isla markaasna ayusan ku fududaan inay kharash ku bixiso wax ayan hubsan oo sharci darro ah sida uu isaga hadalka u dhigay.

Dadka Soomaaliya ayaa markii hore kaliya xoogga saarayey hadalada dhinaca qoyska wax laga dilay mana jirin hadda ka hor hadal kasoo yeeray qoyskaan

Aabaha dhalay gabadha ayaa lagu wadaa inuu ka hadlo kiiskan, waxaana la sheegay inay isku beel yihiin guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Yariisow, halka ay caddaatay in hooyada dhashay ay xildhibaan ahaan is xigaan C/Weli Maxamed Qanyare oo ay isku jufo yihiin.

Sidoo kale waxaa daqiiqado ka hor hadashay islaan kale oo sheegtay inay Habaryar u tahay Gabadha muranka ka dhashay taasoo sheegtay inaysan sheekada aheyn sida loo wariyey .

Waxay sheegtay haddii ay dhab tahay in Qabiilada dhan ay iska guursan karaan oo aysan Soomaalida heybsooc aqoon laga rabo Xildhibaanada arrintaan ka hadlayo inay iyaga gabdhahooda iyo wiilashooda ku daraan Beelaha la yaso sida ay hadalka u dhigtay.

Halkaan hoose ka daawo Muuqaalka wiilka hadlay