Qunsulka Saudi Arabia ee Istanbul oo u baxsaday…

Istanbul (Caasimada Online) – Qunsulka Sacuudiga u fadhiya dalka Turkiga Muhammad al-Otaibi ayaa ka dhoofay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, isagoo dib ugu laabtay magaalada Riyadh ee Sacuudiga.

Qunsulka ayaa la sheegay in uu Istanbuul ka dhoofay waxyar un ka hor inta ay ciidamada Booliska iyo danbibaarayaasha galin gurigiisa, waxaana lasoo sheegayaa in safarkiisa uu dhaliyay shaki hor leh.

Muhammad al-Otaibi, ayaa diyaaradii ka qaadi laheyd Turkiga saacado badan lagu xanibay Garoonka Ataturk ee magaalada Istanbuul, wallow markii danbe la fasaxay.

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga ayaa sheegay in dowlada Sacuudiga aysan wali gacan ka geysan baaritaanka socda, waxa uuna intaa raaciyay xitaa inaysan ka heyn qirasho rasmi ah.

Wasiirku waxa uu tilmaamay in uusan garan micnaha ku jira in Qunsuliyada su’aalo lagu dhexweydiiyo dadka, waxa uuna carab dhabay in aysan jirin diblumaasiyiin Sacuudiga kasoo jeeda oo xayirada ay saran tahay.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa suurtagal ka dhigay in dilka Jamal Khashoggi loo isticmaalay qalabka sunta ah ee loo adeegsado dilka.

Sidoo kale, Saraakiisha hogaamineysa baaritaanka qunsuliyada Sacuudiga ee Istanbul ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan baadi-goobka macluumaadka ujeedkuna wuxuu yahay in la gaaro natiijo muujinaysa waxa dhacay kiiska Jamal Khashoggi.

Dowlada Turkiga ayaa xooga saareysa sidii lagu soo afmeeri lahaa kiiska dilka Jamal Khashoggi oo iminka intiisa badan lasoo xiray.

Caasimada Online
Xafiiska Istanbul
Caasimada@live.com