R/W BORIS JOHNSON oo ka hadlay dabkii weynaa ee xalay baabi’iyay suuqa Hargeysa

London (Caasimada Online) – Raysal Wasaaraha UK Boris Johnson ayaa ka hadlay musiibada Dabka ee saameysay suuqii Hargeysa kaasoo dhaliyey khasaaro maaliyadeed oo xoog leh.

Boris Johnson ayaa ballan qaaday inay Somaliland siin doonaan wixii taageero ah oo ay awoodaan si ay uga soo kabato khasaaraha soo gaaray.

“Waxaan aad uga xumahay in aan aragno dhibaatada ka dhalatay dabka ka kacay suuqa furan magaalada Hargeysa oo ah halbowlaha dhaqaalaha magaalada, kaasoo saameeyay ganacsiyo badan”ayuu yiri Boris.

Dhinaca kale, xoghayaha Arrimaha dibadda Ingiriiska Liz Truss, ayaa qoraal ay barteeda Twitter-ka ku baahisay ku sheegtay in dabkii khasaaraha badan dhaliyay ee ka kacay suuqa magaalada Hargeysa ee Somaliland uu ahaa mid naxdin leh.

Liz Truss ayaa sheegtay in dowladda UK ay la shaqayn doonto Somaliland iyo saaxiibada caalamka si ay taageero ugu raadiyaan dadkii uu khasaaruhu gaaray.

Khasaare lixaad leh oo malaayiin doolar gaaraya ayaa ka dhashay dab saacado badan socday oo xalay baabi’iyay suuqa ugu wayn magaalada Hargeysa ee Waaheen.

Abaare 8-dii fiidnimo ee xalay ayuu kacay dabka, hasayeeshee kooxaha dabdamiska ee la tacaalaya xakamaynta dabka ayaa howshoodii waxaa carqaladeeyay suuqa oo aanan lahayn wadooyin waafi ah oo loo maro.

Suuqa oo ku fadhiya masaafo gaaraysa 5KM ayaa tan iyo waqtigan waxaa soconaya dedaallada lagu daminayo dabkaasi ka kacay, iyadoo maayirka magaalada Hargeysana uu isagoo qiiraysan tilmaamay in hantidii magaaladiisa ay baaba’day.