Xog: Magacyada lix sarkaal oo NISA ka tirsan kuna biiray BF oo xilalka wareejinaya

Muqdisho (Caasimada Online) – Inta muuqata ee la ogyahay inay ka tirsan yihiin hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka “NISA” ee ka mid noqday baarlamaanka cusub ee Seomaaliya ayaa ah lix sarkaal oo darajooyinka ugu sareeya ka haaya sirdoonka qaranka..

Inkastoo ay jiraan xubno qarsoon oo aan muuqan oo baarlamanka soo galay, haddana Caasimada Online ayaa og illaa lix sarkaal oo xilal muuqda ka haya hay’adda oo noqday xildhibaano.

Lixda sarkaal ee xilalka sare ka haya NISA, ayaa midka ugu sareeya uu yahay Fahad Yaasiin (Qabiil-reer Aw-Xasan) oo xilkii uu ku magacawnaa ka xayuubiyay Rooble, balse ah shaqsiga haga howsha hay’adda iyo haddeey noqoto maamul iyo wax ka weydiin intaba. Fahad kama mid noqon doono saraakiisha NISA ee xilka wareejin doona.

Yaasiin Fareey oo si KMG ah ugu magacaaban taliyaha NISA kana soo jeeda beesha Waceysle/Abgaal wuxuu baarlamaanka kasoo galay Galmudug, waxaa la qorsheeyay inuu xilka KMG ah ee taliska wareejin doono lix maalin kahor 14-ka April oo ah maalinta la dhaarin doono xildhibaanada baarlamaanka.

Cabdulqaadir Jilbo, taliyaha hoggaanka maaliyadda oo beesha Raxan Weyn u dhashay wuxuu kasoo galay baarlamaanka Koonfur Galbeed, isna waxaa uu xilka wareejinaya isla waqtigaas.

Taliyaha hoggaanka Saadka xildhibaan Caraay oo beesha Wadalaan kasoo jeeda ayaa kasoo galay baarlamaanka Koonfur Galbeed, isagana wuxuu ka mid yahay saraakiisha NISA ee xilka wareejinaayo dhawaan.

Aweys Maxamed Cumar oo kasoo jeeda beesha Silcis, waa taliye ku-xigeenka hoggaanka daba-galka, waxaana uu kasoo galay Koonfur Galbeed, waana ka mid saraakiisha xilka wareejinaya.

Cabdullaahi Aadan Kulane oo loo yaqaan Kulane Jiis oo beel ahaan is xigaan Farmaajo “Mareexaan” waa taliyihii hore ee agaasinka shaqaalaha, kadibna loo magacaabay la-talite, wuxuu baarlamaanka kasoo galay Galmudug isaga wax xil ah uu wareejinaayo ma jirto, balse waa awoodda labaad ee NISA maamusha isagoon xil ku magacawneyn.

Dhinaca kale, waxaa weli ku adag Farmaajo inuu ku dhawaaqo taliyihii badali lahaa Yaasiin Fareey, kaasoo Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ay qorsheeyeen in loo magacaabo Cabdiraxmaan Dheere, balse mashaqo ay ka haysato dhinaca Rooble oo kasoo horjeeda in NISA loo magacaabo shaqsi ku dhow Farmaajo iyo Fahad, heshiiskii horena uu ahaa in lasoo magacaabo shaqsi dhexdhexaad oo la isla ogol yahay.