R/W ROOBLE oo ka faceliyey tallaabada uu maanta qaaday guddiga doorashada FEIT

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa qoraal uu soo saaray kaga hadlay tallaabada uu maanta qaaday guddiga doorashada ee FEIT, kaas oo billaabay bixinta shahaadada xildhibaanada.

Rooble ayaa hambalyo u diray xubnaha guddiga, isaga oo eebbe uga baryey inuu u fududeeyo waajibaadka shaqo ee loo igmaday.

“Hambalyo Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) iyo guddoomiyehooda Muuse Geelle Yuusuf oo maanta bilaabay bixinta shahaaddooyinka xildhibaannada la soo doortay ee baarlamaanka 11aad ee dalka,” ayuu lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa boggaadiyey xildhibaanada qaatay shahaadada ee tegey xarunta guddiga doorashooyinka heer federaal ee FEIT.

Dhanka kale Rooble ayaa rajo wanaagsan in xilgeeda ay qabsoonto munaasabadda dhaarinta xildhibaanada cusub ee loo qorsheeyey in la qabto 14-ka bishan April.

“Waxaan sidoo kale bogaadinayaa xildhibaannadii u horreeyay ee maanta qaatay shahaaddooyinka, anigoo rajeynaya in howsha shahaaddo siinta iyo dhaarinta xildhibaannadu ku soo idlaato ka hor xilligii loo asteeyay,” ayuu sii raaciyey Rooble.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, ayada oo weli uu muran ka dhex-taagan yahay guddiga doorashada, kaas oo la xiriira shaacinta xildhibaanada rasmiga ah ee lasoo doortay.

Dooda ayaa sii xoogeystay markii guddoomiyaha guddiga guddiga FEIT uu liiska la shaaciyey ka reebay kuraas uu ku jiro kursiga uu kusoo baxay Fahad Yaasiin.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse khilaafkan ayaa kusoo beegmaya, xilli xasaasi ah, isla-markaana ay weli caqabad ka taagan tahay dhammeystirka doorashada dalka.