R/W Kheyre oo hal arrin ku qanciyey cid walba oo aan Somalia la rabin xasilooni

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa daboolka ka qaaday in dowladiisa aysan marka hore ka raali noqon doonin in si sahlan lagu burburiyo horumarka ay Soomaaluya hiigsaneyso.

Kheyre waxa uu sheegay in Somalia ay ku dhex jiran kuwo aan u diirnixin shacabka ku dhawaad Sodonka sano ku noolaa burburka waxa uuna taasi bedelkeeda sheegay in Somalia ay nafta ag dhigayan si ay dib ugu soo laabato halka ay markii hore joogtay.

Waxa uu sheegay inaanu u cuntami doonin in Somalia dib loogu celsho halka ay kasoo gudubtay waxa uuna cod dheer ku sheegay inay sahlan tahay in kuwa qaska ku haya dalka iyo kuwa nabadda u diidan ay iska celshaan.

“Somalia oo dib ugu laabataa halkii ay kasoo gudubtay waxaa nooga sahlan inaan iska celino oo aan la dagaalano cid waliba oo kasoo horjeeda Somalia oo nabad ah”

“Ma jiro cid dooneysa inay burburiso dalkeeda ilaa iyo mid aan laheyn damiir, balse anagu waxa aan xooga saareynaa inaanu noqono kuwa dadkaasi fahansiiya ahmiyada nabadda” ayuu yiri mar uu la hadlaayay dhalinyaro uu kula kulmay Khartoum.

Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu tilmaamay in cid waliba oo diidan Somalia oo nabad ah uu ku qancinaayo inay u furan tahay keliya inuu ku noolaado dalka dibadiisa si aysan u saameyn duufaanta isbedelada ka socda Somalia.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in Somalia oo nabad ah ay tahay mid anfaceysa dhammaan wadamada Africa, maadaama uu yiri nabarada soo gaaray Somalia ay saameyn adag ku reebayaan dowladihii nabdoona ee Africa.

Haddalka Kheyre ayaa u muuqda mid ku fooraara dhinacyada mucaaradka, halka qeyb kamid ahna ay baraarujin u tahay dhalinyarada Soomaalida ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com