R/W Kheyre oo ka weecday 3 arrin oo uu kula taliyay Michael Keating (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating ayaa dhawaan magaalada Muqdisho kulan khaasa kula yeeshay Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre.

Michael Keating iyo Kheyre ayaa kulankaasi uga wadahadlay sida Somalia ay uga gudbi laheyd dhibaatooyika amni darro iyo la dhaqanka qeybaha kala duwan ee shacabka.

Michael Keating, waxa uu Kheyre usoo jeediyay inaanu shacabka Soomaaliyeed loo adeegsan awoodo aysan xamili Karin,sida dhibta ay ciidamada ku hayaan shacabka iyadoo dhibaatooyinkii ay wali yihiin kuwo aan waxba iska bedelin.

Ra’isul wasaare Kheyre iyo Michael Keating ayaa kulankooda kadib isla gartay dhowr qodob oo uu Kheyre ballanqaaday inuusan ka weecan doonin kuwaa oo kala ah:-

1-Inaan howlaha amniga lagu saleyn 4.5 si looga gudbo amni darro kusii baahda Somalia. Ra’isul wasaare Kheyre ma uusan dhaqan galin qodobkan oo ahmiyad u lahaa xaqiijinta amniga Muqdisho.

2-In dowlada Somalia ay kala qaado awood qeybsiga Siyaasada ee ku saleysan qabiilka iyo Amniga maadaama amniga uusan xiriir la yeelankarin qabiilka. Ra’isul wasaare Kheyre ma uusan dhaqan galin qodobkan waxa uuna howlaha Siyaasadeed iyo tan amni ku saleeyay hanaan khabiil, waana tan la rumeysan yahay inay soo dadajineyso fashilka amni ee xiligan ka jira Muqdisho.

3-In wakhti hore la sameeyo guddiyo u kuurgala suuragalnimada doorasho nin iyo codkiisa ka hor inta aan la gaarin 2020. Ra’isul wasaare Kheyre ma uusan sameyn guddiga ay sameyntiisa kuwada heshiiyen Michael Keating.

4-In DFS ay si toosa howlaha muhiimka ah ula wadaagto QM si ay qeyb uga noqdaan dadaalada lagu hormarinaayo Somalia. Waxa uu Ra’isul wasaare Kheyre qodobkani ka dhigay mid aan ahmiyad u laheyn dowlada Somalia, maadaama dowladu tahay mid ka fogaaneysa faragalinta shisheeye.

Qodobada ay ku heshiiyeen Ra’isul wasaare Xasan Kheyre iyo Michael Keating, ayaa u muuqda mid aan weli ka dhaqan galin Xafiiska Ra’isul wasaaraha waxa ayna tani muujineysaa in Xukuumada Somalia ay ka fogaaneyso ku shaqeynta talooyinka shisheeye.

Sidoo kale, Michael Keating, ayaa kulamadii ugu danbeeyay ee ka dhacaayay Muqdisho iyo caasimadaha Gobolada dalka ka sheegayay inay muhiim tahay in dowlada Somalia ay dhaqan galiso qodobada lagu wada heshiiyo.

Si kastaba ha ahaatee, Ra’isul wasaare Kheyre ayaa goor sii horeysay sheegay in dowlada Somalia aysan dhageysan doonin talooyinka shisheeye ee aan danta ugu jirin Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com