R/W Kheyre oo mar kale ku dhaqaaqay xeelad ka dhan ah shaqada baarlamanka

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’isal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa magacaabay Saddex Wasiir oo cusub, kuwaas oo ka mid noqonaya Golaha Wasiirrada Soomaaliya.

Degreeto ka soo baxday xafiiska R/wasaaraha XFS ayaa lagu magacaabay,Mudane Saalax Axmed Jaamac, Wasiirka Dastuurka, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa waxaa loo magacaabay wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha, Marwo Fowsiyo Maxamed Sheekh waxaa loo magacaabay Wasiirka Tamarta iyo Biyaha.

Wasiirka Shaqada iyo Wasiirka Tamarta iyo Macdanta waxaa ay ka mid ahaayeen Golaha shacabka gaar ahaanna Guddiga difaaca halka Wasiirka cusub ee Dastuurka horayna u ahaa Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha uu yahay Xildhibaan ka mid ah Golaha shacabka.

Wasaaradda Dastuurka waxaa horay u hayay C/Raxmaan Xoosh Jibriil oo 8-dii March ku geeriyooday Dalka Imaaraadka Carabta.

Sidoo kale Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha waxaa iska Casilay madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed C/Casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen.

Kaartada Xukuumadda

Xukuumadda uu hormuudka u yahay Ra’isulwasaare Kheyre ayaa horey u sameysay kaarto cajiib aheyd oo looga hortageyey in Xukuumadda ay cadaadis kala kulanto Golaha Shacabka, waxaana wasiirada intooda badan laga soo xulay Baarlamaanka.

Arrintaas ayaa Xukuumadda ka saaciday inay isaga yareyso isla xisaabtan kaga imaado Baarlamaanka iyo in Mooshin ka keeno Ra’isulwasaaraha iyo Xukuumadiisa.

Kaartada waa lasii adkeeyey

Isku darka wasiiradii hore  waxaa Xildhibaano ka ahaa illaa 48 Wasiir oo isugu jiro Wasiiro, Wasiiro ku xigeeno iyo Wasiiru Dowlayaal.

Hadda magacaabista cusub ee uu Ra’isulwasaar sameyey ee  3-da Wasiir ah dhammaantood  waxaa laga keenay Golaha Shacabka maadaama kaartadii hore la arkay natiijada fiican ee leedahay waxayna taas ka dhigan tahay in Wasiirada Xildhibaanada ah ay sare usii kacday.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com