R/Wasaare XAMZA oo soo saaray sheegasho yaab leh

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay ka shaqeysay guusha maanta laga gaaray wax ka beddelka dastuurka oo ay ansixiyeen xildhibaanada labada Aqal.

Xamza ayaa ku faanay in tallaabadan taariikhiga ah ay qeyb ka tahay fulinta ballan-qaadyada Xukuumadda ee la xiriiray dhammeystirka Dastuurka, sida uu hadalka  dhigay.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ujeedka laga leeyahay dhammeystirka dastuurka ku sheegay si talada dib loogu celiyo dadka Soomaaliya oo ay u soo doortaan hoggaankooda.

Dhinaca ra’iisul wasaare Xamza ayaa ku boggaadiyey Xildhibaannada labada gole ansixinta wax-ka-beddelka cutubka 1-aad iyo 4-aad ee Dastuurka Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu  ku ammaanay Baarlamaanka Jamhuuriyadda gudashada waajibaad kooda Qaran, isaga oo sidoo kale boggaadiyey labada guddi ee Dastuurka, kuwaas oo juhdi badan geliyey sidii dalku u yeelan lahaa dastuur dhammeystiran.

Waxaa kale oo uu tilmaamay in ansixinta wax-ka-beddelka afarta cutub ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay tahay mid dan u ah qof kasta oo Soomaaliyeed.

“Xukuumadda DanQaran ayaa muddo gaaban ku xaqiijisay guulo waaweyn oo wax badan ku soo kordhinaya hannaanka Dowladnimada Soomaaliya, kuwaas oo ay kamid yihiin, Deyn Cafinta, Qaadista Cunaqabateynta Hubka, Dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta, Ku Biirista Suuqa Bariga Afrika, xoojinta xiriirka caalamiga ah iyo tallaabada maanta lagu ansixiyey wax-ka-beddelka cutubka 1-aad iyo 4-aad ee Dastuurka JFS” ayaa lagu yiri qoraalka.

254 mudane oo ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka ayaa maanta u codeeyay ansixinta cutubyo kamid ah Dastuurka, mana jirin cid diiday, sida uu ku dhowaaqay Aadan Madoobe.

Talaabadan ayaa ka dhigan middii ugu horreysay ee uu baarlamaan Soomaaliyeed qaado muddo 55 sano ah kadib, taas oo kusoo aaday xilli xasaasi ah.