R/Wasaare Rooble oo dardar-gelinta doorashooyinka u xil-saaray Cabdixakiin Ashkir

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa wasiiru dowlaha xafiiskiisa Cabdixakiin Xasan Ashkir u xil-saaray dardar-gelinta howlaha doorashooyinka ee la filayo inay dhowaan ka dhacaan dalka.

Qoraal ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa waaa lagu sheegay inuu Askhir shaqeyn doono howlaha isku xirka iyo wada shaqeynta xukuumadda federaalka, dowlad goboleedyada iyo hay’adaha caalamiga ee dusha kala soconaya doorashooyinka dalka.

Sidoo kale waxaa warqaddan lagu sheegay inay muhiimadu tahay dhaqan-gelinta heshiiskii horey looga gooray doorashooyinka ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

Xukuumadda Soomaaliya oo horey ugu dhowaaqay hirgelinta doorashada ayaa dadaal badan ku bixineyso sidii loo bilaabi lahaa howlaha doorashooyinka oo uu muran ka jiro.

Musharraxiinta mucaaradka, maamullada Jubbaland iyo Puntland ayaa weli dhankooda tabasho ka muuijinayo hannaanka ay doorashooyinka ku wajaheyso dowladda dhexe.

Sikastaba xaaladda dalka ayaa ah mid cakiran, iyadoo beesha caalamkuna ay ku baaqday inay muhiim tahay in la dhaqan-geliyo doorashada iyo heshiiskii Muqdisho.