Xog: Afar arrin oo Farmaajo ku qasbeysa inuu wada-hadal ka galo doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa cadaadis xooggan ku saaraya saddexda madaxweyne goboleed ee taabicyiinta ah ee Qoor Qoor, Lafta-gareen iyo Guudlaawe inay billaabaan doorashada Aqalka Sare.

Si kastaba, waxaa xog ku heleynaa inay aad uga cago jiidayaan arrintan, sababtuna ay tahay cabsi ay ka qabaan inay dalka u horseedaan dagaa sokeeye.

Madaxweyne Farmaajo oo si kasta isugu dayey inuu dalka ka qabto doorasho aan wadar ogol aheyn ayaa waxaa muuqata in hadda iyo wixii ka dambeeya uu ku qasban-yahay in uu wadahadal ka galo doorashada Soomaaliya si loo dhaqaajiyo howlaha horyaalla dowlada iyo guud ahaan dalka.

Sida ay qabaan sharci yaqaanada iyo siyaasiin badan waxaa jiro daruufo Madaxweyne Farmaajo ku qasbaya inuu wadahadal ka galo doorashada Soomaaliya, islamarkaana sameeyo tanaasul si looga gudbo caqabadaha doorashada ku horgudban.

Daruufaha Madaxweynaha ku qasbabaya in uu heshiis galo ayaa kala ah

1- In muddo xileedkiisa uu dhamaad yahay oo ay ka harsan yihiin 25 maalmood oo kaliya, taasi oo macnaheedu yahay in firaaq awoodeed uu dalka ka dhici karo, haddii aan la helin heshiis deg deg ah.

2- In haddii uu dhamaado muddo xileedkiisa uusan yeelan doonin awood sharci oo uu ku meel mariyo go’aan walba oo xafiiskiisa laga soo saaro, taas oo keeni karta in wax badan uu ku waayo.

3- In uu jiro culeys badan oo dhanka beesha caalamka ah oo madaxweynaha la saaray muddooyinkii ugu dambeeyay, ayada oo beesha caalamka ay u sheegtay inaysan maal-gelin doonin doorasho aan wadar-ogol aheyn, waxaana qoraal shalay kasoo baxay ay ku baaqday in heshiis laga gaaro doorashada.

4- Cabsi uu ka qabo in uu sabab u noqdo qalalaaso dagaal ama rabashado dalka ka dhaca, islamarkaana uu sabab u noqdo in dalka ku laabto meeshii uu taagnaa 30 sano ka hor, xilli u ahaa Madaxweynihii loogu rajada wanaagsanaa burburkii kadib.

5- In madaxweyne goboleedyadii ku garabka ahaa ee uu isku haleynayey ay ka cago jiidayaan inay qabtaan doorasho aan wadar ogol aheyn, taasi oo markii hore uu qorshuhu ahaa.

Arrimahaan oo dhan  ayaa la aaminsan yahay in 10-ka maalmood ee soo aadan dalka u jiheyn doonaan heshiis ka roon midka hadda ee doorashada Soomaaliya, waxaana muuqata rajo ay qabaan mucaaradka iyo guud ahaan daneeyayaasha arrimaha Soomaaliya.