Dhageyso: Daahir Geelle oo shaaciyey arrin yaab leh oo uu QOOR QOOR ku yiri

Muqdisho (Caasimada Online) – Daahir Maxamuud Geelle oo ah musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor uu si marqaati leh u shaaciyey in uusan dhexdahxaad aheyn, hadda kadibna aan dhexdhaxaad lagu tilmaami karin.

“Runtii Madaxweyne Qoor Qoor waxaan ka rabnay inuu noqdo dhexdhaxaad, laakiin xalay waxa uu noo sheegay in uusan dhexdhaxaad aheyn isagu, marka dhexdhaxaadiye aan dhexdhaxaad aheyn waxaa hareer mari karta guusha, Axmed Qoor Qoor anagoo aad u xurmeyneyna waxa uu si marqaati leh noogu sheegay arrinta socota in uusan dhexdhaxaad ka aheyn, marka dadku waa inay nala fahmaan natiijada ka dhalan karta qof aan dhexdhaxaad aheyn markii uu wax dhexdhaxaadi tago,” ayuu yiri Daahir Maxamuud Geelle.

Daahir Geelle oo la hadlay BBC ayaa sheegay in madaxda dowlad goboleedyada markii ay la kulmeen ay uga jawaabi waayeen su’aal ay qabeen oo aheyd in doorashada bilaabayaan oo go’aankoodii ay ka dhabeynayaan iyo inay raadinayaan xal kale’.

“Waxaan la kulanay madaxweynayaasha seddax maamul goboleed, waxaan u sheegnay in maqnaashaha Jubbaland iyo Puntland ay qad casaana tahay oo lagama gudbaan ah, isla markaana loo baahanyahay in lagu dhaqaaqo tallaabo lagu wada qanacsan yahay,” ayuu yiri Daahir Geelle.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay ku wargeliyeen ‘waan ka soconeynaa wax la yiraa in aan la iska yeeli doonin’ iyaguna ay u sheegeen inay xal kale raadinayaan oo go’aankoodii aysan ku dhaqaaqi doonin.

“Aragtiyo waan is dhaafsanay, laakiin isma aanaa qancin ee waxbaan isla soo dhaweynay, Cabdicasiis Lafta Gareen ayaan ku niri xiriir sameey oo la xariir maamullada maqan,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in madaxda maamul goboleedyada ay la kulmeen ay ka balan qaadeen in go’aankoodii ay dib ugu laabanayaan, isla markaana ay la xariirayaan madaxda maamul goboleedyada maqan ee Jubbaland iyo Puntland.

Hoos ka dhageyso