R/W Rooble: “Haweiye 12.5% ayey Soomaaliya ka yihiin”

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisuul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in beesha uu ka dhashay ee Hawiye ay tiro aad u yar ka yihiin Soomaaliya.

Rooble oo habeen hore hoygiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay suxufiyiin iyo qaar kamid ah madaxda warbaahinta ayaa yiri “Qabaa’ilka labada ah ee Galmudug iyo HirShabeelle kasoo jeeda oo aan aniga ka dhashay waxay siyaasadda Soomaaliya ka matalaan 12.5% oo kaliya, balse waxay isku muujiyaan in ay siyaasadda hoggaamiyaan, looma joojinaayo.” 

Ra’iisul wasaaraha oo caro xooggan ay wejigiisa ka muuqatay ayaa inta badan kulanka oo saddex saacadood qaatay uga hadlayay dhaliisha beesha Hawiye illaa uu tibaaxay in mushkilladda Soomaaliya ay iyagu yihiin.

Ma cadda sababta uu Rooble u beegsaday beeshiisa, hase yeeshee waxaa loo macneyn karaa in inta badan musharaxiinta mucaaradka ah ee ay is-hayaan dowladda ay kasoo jeedaan beesha Hawiye.

Waxaase xusid mudan in khilaafka doorashada uusan aheyn mid u dhaxeeya kaliya dowladda iyo musharaxiinta balse ay sidoo kale qeyb ka yihiin maamul goboleedyada Jubaland iyo Puntland.

Rooble ayaa sidoo kale weeraray oo “tuugo” ku tilmaamay madaxweynayaashii hore ee dalka ee iminka u tartamaya xilka madaweynaha isaga oo raaciyay in ay doonayaan inay dalka “qalalaase” u horseedaan.

Hadalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa imaanaya iyada oo muran xooggan iyo welwel uu dhaliyay go’aankii ay xukuumaddiisa shaacisay ee ahaa in la qabanayo doorasho ay ka maqan yihiin dowlad goboleedyada Jubaland iyo Puntland.