Taliye Maxamed Dheere oo qarax lagu dhaawacay

Baardheere (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howl-gallo ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay saacadihii la soo dhaafay ka sameeyeen duleedka degmada Baardheere oo ka tirsan gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Howl-gallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa si gaar ah looga fuliyey tuulooyin dhowr ah oo hoos yimaada degmadaas, halkaas oo ay ku xoogan tahay Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada fuliyey howl-galladaasi uu hoggaaminayey taliyaha ururka 49 aad guutada 10 aad qeybta 43 aad ee Xoogga dalka Gaashaanle dhexe Maxamed Dheere lala eegtay qarax miino, xilli ay ku sii jeedeen deegaanada ay howl-gallada ka sameeyeen.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday gaariga taliyaha oo uu dhaawac ka soo gaaray miinada qabsatay gaarigiisa.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada Xoogga ay sii wateen dhaq-dhaqaaqyadooda, iygaga oo burburiyey saldhigyo Al-Shabaab ay ku laheyd halkaasi.

Saraakiisha milatariga ayaa sidookale shaaca ka qaaday in howl-galladaasi ay ku dileen sarkaal sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kaas oo ay meydkiisa soo bandhigeen.

Maalmihii u dambeeyey ciidamada huwanta ayaa kordhiyey howl-gallada milatari ee ay ka wadaan gudaha Soomaaliya, si deegaanada ay hesyaan looga saaro Al-Shabaab.