SHIR muhiim ah oo maanta ka furmay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shirka sanadlaha ah ee Garsoorka dalka, kaasi oo ay ka qeyb galayaan hay’addaha cadaalada heer federaal iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka.

Shirkan ayaa waxa diirada lagu saari doona qodobo ay kamid yihiin xal u helida Musuq-maasuqa, Fulinta xukunada, Been abuurk iyo qoddobo kale, sida uu sheegay Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada shirka.

Sheekh Saalax Ibraahim Dhiblwaale, oo ah garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare, sidoo kalena ah Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada shirka ayaa carabka ku adkeeyay in shirkan uu door muhiim ah ka qaadanayo tayeynta Garsoorka.

Shirka ayaa sidoo kale waxaa goobjoog ka ah  Hay’addaha Garsoorka Mas’uuliyiinta qeybta ka ah oo ay kamid yihiin Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Guddoomiyaha maxkamadda sare, Guddiga Cadaaaladda iyo Garsoorka ee Baarlamaanka, Maxkamadaha gobolka Banaadir, Xafiiska Garyaqaanka iyo Xafiiska hanti dhowrka guud ee qaranka.

Waxaa uu socon doona shirkan muddo labo cisho ah, waxaana dadka ka qeyb galaya lagu sheegay in ka badan 300 oo qof, kuwaasi oo jsugu jira mas’uuliyiin, sharciyaqaano iyo khubaro dhanka Garsoorka ah.

Garsoorka Soomaaliya ayaa lagu tilmaama mid ku dhisan eex iyo musuq-maasuq, inkasta oo eedeyntaasi ay gaashanka u daruureen hay’addaha Garsoorka dalka.