Somaliland oo soo saartay digniin iyo dacwad ka dhan ah dad ku sugan Muqdisho

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa markii u horeysay digniin adag kasoo saartay ciyaartooy kasoo jeeda deegaanadeeda oo ka qeyb-galay tartankii ciyaaraha dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland, Cabdirashiid Ceydiid Yaasiin ayaa sheegay in ciyaartoyda ka qeyb-gashay tartankii ka dhacay Muqdisho ay yihiin dambiilayaal qaran.

Sidoo kale waxa uu ku tilmaamay dhalinyaradaas inay yihiin qaran dumis, maadama ay qaateen magac ka gedisan midka dalkooda, sida uu hadalka u dhigay.

“Cdkasta oo reer Somaliland ah oo aan ku ciyaarin Magaca reer Soomaliland waa dambiile qaran dumis ah ilaa iyo inta uu cafis uga weeydiisanayo Madaxweynaha Somaliland” ayuu yiri agaasime C/rashiid Ceydiid.

Waxa uu xusay in liiska magacyada dhalinyaradii ka qeyb-gashay tartankii lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Muqdisho ay u gudbiyeen Hay’adaha Amniga iyo Xeer ilaalinta Somaliland, si maxkamad loola tiigsado marka ay soo laabtaan.

Somaliland ayaa iyadu ku dooda inay tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya, inkasta oo beesh caalamka u aqoonsan tahay dowlad goboleed ka tirsan Jamuuriyada.

Xukuumadda ayaa waxay inta badana xarig kula kacda shaqsiyadka caanka ah ee kasoo jeeda deegaanadeed ee u safra magaalada Muqdisho, iyada oo Somaliland ka mamnuucday siyaasiyiinta kasoo jeeda ee xillka ka haya dowladda federaalka.