R/Wasaare Rooble oo markii ugu horreysay ka hadlay maqaam ay hesho Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo casho sharaf u sameeyay Xildhibaanada Gobalada Waqooyi ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo dhawaan doorashadooda Muqdisho lagu soo gabagabeeyay ayaa ugu baaqay inay la yimaadaan isku duubni iyo midnimo, ayna dalka u horseedaan hoggaan samata bixin kara.

Rooble oo kulankiisa daadrnaa dardaaran ayaa diiradda ku saaray sida ay dalka ugu badbaadin lahaayen xaaladda uu ku sugan yahay asiga oo ugu baaqay inay doortaan qofka ay isdhihi karaan wuu mudan yahay,

Wasiirka koowaad ee Xukuumadda Federaalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga Mahadceliyay ku xigeenkiisa Mahdi Guuleed sida wanaagsan uu uga qeyb qaatay dardargalinta doorashada asiga oo sheegay inuu si wanaagsan uu kala shaqeeyay Doorashada.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa masuul ka ahaa doorashada Goballada Waqooyi kuwaas oo doorashadoodu lagu qabanayay Magaalada Muqdisho.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ugu baaqay Xildhibaanada Golaha Shacabka ee ku matalada Goballada Waqooyi inay u sameeyaan Magaalada Muqdisho Maqaam; “Qofkasta Gobalka uu ka yimid ayuu kursi u doontay soo maahan, Soomaaliland halkee ka doonatay kursiga? Muqdisho. Waxa aan rabaa Maqaamka Muqdisho in aad xoogga saartaan,” ayuu yiri Rooble.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo hadalkiisa sii wata ayaa sii yiri “lama ogala cid kasta oo timaada, Raali kama noqoneyso inay Muqdisho Maqaam hesho, sababaha waa naqaanaa, waa ishii, waa Hooyadii dalka laakiin xaq bey idinku leedahay inay hesho Maqaam.”

Hadalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa imaanaya xilli Magaalada Muqdisho lagu soo idleeyay doorashada Xildhibaanada Goballada Waqooyi, lana filayo in lagu qabto doorashada Shir Guddoonka labada gole iyo midda Madaxweynaha.

Isha: Mustaqbal Media