Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa maanta magacaabay Guddi ka kooban Wasiirro iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Guddigan ayaa ka shaqeynaya xuska toddobaadka xorriyadda dalkeenna, sida lagu sheegay wareegto kasoo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.
Ra’iisuk Wasaare Xamza oo xoojinaya qaban-qaabada Maalmaha Xorriyadda Qaranka ayaa magacaabay guddigan, oo loo igmaday qaban-gaabada xuska Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada Qaranka ee Sanadguurada 65aad ee 26-da Juun iyo 1-da Luulyo.
Waxay si gaar ah uga shaqeyn doonaan guddiga inta lagu guda jiro munaasabadaha qaran xaqiijinta amniga iyo xiriirinta hey’adaha qaybta ku leh dabaal-degga Maalmaha Xorriyadda.
Guddigan ayaa ka kooban 10 xubnood oo ka tirsan Xukumadda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir, iyadoo guddoomiye looga dhigay Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Cali Xoosh.
Guddiga la magacaabay ayaa waxaa la filayaa maalmaha soo aadan ay yeeshaan kulamo looga hadlayo sidii ay u qeybsan lahaayeen howlaha shaqo ee horyaalla, si ay si hufan ugu gutaan waajibaadka loo igmaday, una suurtagasho xus qaran oo heer sare ah.
Tallaabada uu maanta qaaday Ra’iisul Wasaaraha ayaa muujinaysa sida ay dowladda uga go’an tahay xoojinta wacyiga shacabka, xuska maalmaha qaran, iyo kor u qaadidda midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.


