Raad lagu ogaan karo cidda ka dambeysay xasuuqii ka dhacay Gololey oo la helay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa la helay raadkii ugu horreeyey ee lagu ogaan karo cidda ka dambeysay xasuuqii shaqaalaha caafimaadka loogu gaystay deegaanka Gololey ee degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Saraakiisha baaraya xasuuqa ayay u suurtagashay inay gacanta ku soo dhigaan gaari nooca rakaabka ah, oo loo adeegsaday afduubkii loo gaystay shaqaalihii caafimaadka ee halkaas lagu laayey, ka hor intii aan la dilin.

Waxaa sidoo kale la qabtay darawalkii gaariga, iyadoo la keenay magaalada Muqdisho, si loo wareysto, sida uu xaqiijiyey Nabadoon Maxamed Cali Madoobe oo ah nabadoonka shaqaalihii caafimaad ee la laayey.

Nabadoon Maxamed Cali Madoobe ayaa tilmaamay in gaariga oo ahaa mid rayid leeyahay in ay xoog u adeegsadeen raggii tuutaha militariga ku labisnaa, ee shaqaalaha ka afduubtay Xarunta Hay’adda Zamzam Foundation ee Gololey, wax yar ka dibna dilay.

Dadka la dilay oo sideed qof ahaa ayaa toddobo ka mida waxay ahaayeen shaqaalihii hay’adaasi.

Nabadoon Madoobe oo ka waramay gaariga la qabtay ayaa yiri “Hoomeydii askarta xoogtay, askartii dadka xasuuqday ay wadatay ayaa (shalay) la qabtay. waxaana lagu wareejiyay Hay’adda Dembi Baarista ee CID-da.”

Isagoo wareysi siinayay Radio Kulmiye ayuu yiri “Gaariga waxaa saarneyd shan nin oo ka degatay oo shaqaalaha indhaha ka xiray oo afduubatay. Xerada xageeda ayay gaariga u kaxeeyeen, anigana goobjoog maanan ahayn maalintaas, laakiin dadkii goobjoogga ahaa sidaas ayay noo sheegeen. Gaarigii ayayna suurtagashay in la soo qabto, darawalka gaariga ayaana warbixinta siin doono dowladda oo gaariga lala soo qabtay.”

“Gaariga wuxuu ahaa gaari la yaqaanay oo jidka ay askarta ka afduubteen. Darawalkii ayaana la socday iyo shaqaalihii la soo afduubay, waxaana laga soo afduubay MCH-ka Gololey. Niman afka xiran oo tuuteysan ayaana afduubka gaystay.”

Darawalka gaariga ayaa la rumeysan yahay inuu bixin karo xogta ragga ka dejiyey gaariga, taasi oo gacan ka gaysan doonta in la ogaado cidda xasuuqi fulisay.

Nabadoon Madoobe oo la weydiiyay wax kaloo raad ah oo illaa iyo hadda laga helay dhacdadii Gololey ayaa wuxuu yiri “Wax kaloo raad ah illaa iyo hadda ma hayno.”