Ugaaska Mudulood oo war kasoo saaray qorshaha ah in 4.5 lagu qeybsado Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Ugaaska guud ee Mudulood, Ugaas Maxamuud Cali Ugaas oo u warramay Dalsan TV ayaa si adag uga hadlay arrinta maqaamka magaalada Muqdisho, gaar ahaan 7 xubnood ee gobolka Banaadir laga siiyey Golaha Aqalka Sare.

Ugaaska oo si adag uga hoyimid arrintaasi ayaa sheegay inay tahay dulmi iyo ihaano loo loo geystay saddexda million ee ku nool gudaha caasimadda, sida uu hadalka dhigay.

Sidoo kale wuxuu sheegay in aysan aqbali doonin todobada kursi ee gobolka Banaadir loo qoondeeyey, islamarkaana loo qeybsan doono nidaamka 4.5.

Ugaas Maxamuud Cali Ugaas oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in dowladda federaalka ay gacan bidixineyso maqaam u sameynta Muqdisho, iyada oo ay u yaallaan howlo kale oo ka muhiimsa , sida u diyaar-garowga doorashooyinka soo socda 2020 illaa 2021-ka.

Waxa kale oo uu ka dalbaday madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay dib u dhigaan arrinta caasimadda, haddii aysan si sax ah meel u saari karin xuquudeeda.

”Dowladda waxaan leennahay howlo kale ayaa idiin yaalla howlihiinna kale ku mashquula.” ayuu yiri Ugaaska Mudulood.

Sidoo kale wuxuu shaaciyey in Muqdisho la xaqiray, marka la bar-bar dhigo magaalooyinka kale ee dalka, isaga oo tusaale u soo qaatay Garoowe.

“Yuu yahay ninka dhihi kara Garoowe wax matala malahan masiirna malahan ee xuquuqda dadkaasi waxaa ka talinayaa baarlamaanka Puntland, cida reer Garoowe u sheegi karta oo marsiin karta yey tahay canshuur ka qaadan karta, iyadoo xuquuq laheyn.” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Ugaasku.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay dadka degan magaalada Muqdisho, gaar ahaan aqooyahanada, siyaasiyiinta, odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka inay isugu yimaadaan shirweyne si ay uga arrinsadaan masiirkooda iyo aayaha caasimadda.