Raadiyo Baraawe waa lagu xadgudbay – Maxaa dhacay?

Markaan maqlay Idaacadda Raadiyo Baraawe, oo mar dhow dhalinyaro reer Baraawe ah ka hirgeliyeen magaaladooda, waxaan dareemay in Soomaaliya aay qaadeyso talaabo fiican oo aay soo noqoneyso noloshii iyo dhaqankii fiicnaa. Laakiin, waqti yar ka dib, waxaa fajac igu noqotay in idaacaddaas aay noqotay mid aay ka soo dacwoodeen dad “Reer Baraawe” ah sida mas’uul ka tirsan Koofur Galbeed oo la sheegay in uu yahay wasiirka warfaafinta Koofur Galbeed uu sheegay. Waxaase ka sii daran jaahilnimada iyo anshax-xumada uu “mas’uulka” muujiyey muddadii gaabneyd ee uu wareysiga bixinaayey.

Reer Baraawe in aay ku hadlaan luqadda Baraawaaniga oo aay leeyihiin xadaarad dheer, qeyb weyna ku lahaayeen kobcinta diinta iyo xoreynta wadanka, waa wax la wada og yahay oo taariikhi ah.

Afka reer Baraawe waa af ka mid ah afafka looga hadlo koofurta Soomaaliya, inkastoo uusan ku qorneyn dastuurka inuu yahay luqadaha RASMIGA ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Ninkaas wuxuu si qaldan u fahmay dastuurka oo leh afafka rasmiga ah waa Maay iyo Maxaa-tiri. Waxaa la adeegsaday erayga ah “Rasmi”, taas macnaheedu wuxuu yahay waxaa jira ama jiri kara afaf aan rasmi ahayn.

Midda kale isla dastuurkaas Qodobka 31aad, ee Dhaqanka iyo Afka, lambarkiisa 3aad wuxuu leeyahay:

(3) Dawladdu waa in ay horumarisaa dhaqammada iyo afguriga dadka laga tira badan yahay.

Hor-istaagidda Idaacadda Raadiyo Baraawe waa xadgudub toos ah ee qodobkaan, ciddii sameeysayna waxay ku xad-gudubtay qodobkaas.

Wuxuu sheegay “in [dadka] lagu kalifaayo luqad Inteeda badan talyaani ah; Inteeda badan Boortuqiis ah; inteeda badan carabi ah oo aaysan fahmi karin dadka oo taasi aay tahay dhaqan doorin”.

Cajiib! Marka hore cid ku kalifeeyso qof kale in uu dhageeysto raadiyo ma jirto. Haddii kalifaad eey jirto Reer Baraawe iyagaa lagu kalifay in aay dhegeystaan idaacado eeysan fahmeynin. Tan labaad ma heyno wax cadeyn ah oo ah in af Baraawe intiisa badan uu yahay Talyaani, Boortuqiis ama Carabi.

Afafka adduunka badankood waxaa saameyn ku leh afaf kale oo waa caadi in erayo laga soo amaahdo af kale. Taas kuma koobna af Baraawe. Afafka rasmiga ee Jamhuuriyadda Soomaaliya laftigooda erayo badan oo la soo amaahday ayaa ku jira.

Ninkaan hadduu hadalkiisa dib dhegeysto marka uu leeyahay “warbaahhinta dowladda ama tan baraayfitka ah” wuxuu maqli lahaa in uu isticmaalayo eray laga soo ergaday afka Ingiriiska oo ah “private”.  Lama soo koobi karo erayada afafka rasmiga ah ee  Soomaaliga aay ka soo ergedeen Talyaani, Ingiriis, Carabi, Oromo, Sawaahili iwm.

Ma aha wax fiican in nin mas’uul dowladeed ah lagu dhaho waa anshax xun yahay, laakiin hadalka ninkaan ee ah in reer Baraawe lagu kalifaayo luqad kale haddii aay dhageystaan raadiyo afkooda ku hadlaayo waa anshax xumo iyo cadaadis ka daran kii gumeystayaasha.

Uma maleynaayo dadka Reer Koofur Galbeed iyo madaxdooda in aay qabaan fikradda ninkaan. Afka Maayga laftigiisa ayaa laga joojiyey idaacadda Raadiyo Muqdisho markii Soomaaliya aay xoriyadda qaadatay sababo aan ka duwaneyn waxa uu ku andacooday ninkaan oo kale.

Dhalinyarada reer Baraawe ee idaacadda ka soo shaqeysay, markii aay hirgeliyeen Radio Baraawe, ilaah ajar iyo xasanaad ha ka siiyo-e, waxay qabteen shaqadii dowladda laga rabay ee uu faraayey dastuurka Qodobka 31aad, lambarkiisa 3aad. Ninkaana wuxuu muujiyey jaahilnimo, kibir iyo anshax xumo aan rajeynaayo in aay ku kooban tahay isaga. Waqtiga xaadirka ahna looma baahno wasiir noocaan iyo wasaarad warfaafin oo noocaan ah.

Wa Bilaahi Towfiiq !

  • Abdulkadir M. Abow – Waxaad kala xiriir kartaa emailka: abow@idirect.com

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid