Rajada iyo hurgumada uu leeyahay qoraaga iyo buugga Soomaaliyeed?

Salaan qiimo badan ayaan hawadda u soo marinayaa qalinleyda iyo bulshada akhriska jecel.

Markaad keligaa tahay maskaxdaada waxaa ku furmaya isla hadal, waa wax ku xan-xantaynaya oo ku xiriirsan dhudka dareenkaaga, adigoon hadlin, lagaa hadlin ayey maankaaga gubayaan, jawaabta isla hadalkaagii ka soo baxday ayaa noqonaysa, in waxaad iskula hadashay yihiin wax ay tahay inaad dadka la wadaagto. Ka soco, waxaad aragtay dhacdo, ciddii samaysay iyo kuwii lagu sameeyey dareenkoodii iyo wixii ka dhashay ayaa maankaaga ka oogay su’aalo iyo jawaabo, qaarkood xal ayaad u heshaa, kuwana waxay kugu furan amuuro isku raran, waxay kula xulaan tog leh gebiyo dhagaxaan waaweyn oo soo dhici rabaa ka soo fooraraan, kuwaasoo markaad aragto layaab kugu ridaya, halka gebiyadaas hoostooda ay yihiin godad bahalo galeen ah oo kugu abuuraya cabsi iyo  maxaa kaaga soo bixi kara, markase aad salka hoose ee togga fiiriso, waxaa jiifa biyo, shinbiro  kala caynad ahi marna cabbayaan, markalena ku qabowsanayaan, kadibna gilgilanayaan oo baalashooda midabada leh biyaha ka tuuryeynayaan, aragtidaasina waa mid ku gelinaysa yididiilo iyo farxad.

Dareenada noocaas ahi waa halkay ka unkamaan curinta iyo in su’aalihii faraha badnaa ee ka dhex oogmay maankaaga aad u bedeshay wax la taaban karo oo ah (BUUG) oo ah kan Shalay wehelka inoo ah, iyadoo aan ognahay in dhammaanteen aafada xanuunka Covid-19 ee dunida dhan asiibay, qofkastana gurigiisa laba diblaha ugu xiray, buugu inoo noqday wehel iyo madadaalo.

Waxaad akhrinaysaa ee qorani waa dareen dhab ah iyo arrin uu bulshada usoo gudbiyey qoruhu, wuxuu turjumay wixii maankiisa ka oogmay, waxayna noqotay mid qofkii kale ee akhristaha ahaa wax ka bedeley noloshiisa, ka dhex abuura qalbigiisa dood iyo inuu go’aamo qaato. Haddaba maxaa duruuf haysta qoraaraga iyo buugga Soomaaliyeed.

Shalay waa 23 Abriil, waa maalinta caalamiga ah ee buugga iyo xuquuqda qoraalka (copy right). Qoraaga Soomaaliyeed wuxuu wehel u noqday nabad la’aan iyo barakac joogto ah, waxaa u dheer dhaqaalo xumo iyo garab la’aan yaraysay fursadihii ku caawinayey inuu maaxiyo maankiisa, iyadoo ay karaar dhaafeen sheekooyinka dhaxal reebka noqon kara ee wadanka gees ka gees ka dhacaya maalin kasta ee u baahan in la qoro, haddii saas lagu dhaafana ah dhaxal lumay.

Duruufaha badan ee jiraa ma joojin in wax la qoro, waxaa soo baxa buugaag, iyadoo qoraaga ay haysta culaysyo jihooyin kala duwan uga imanaya, sida: faafinta, iibgeynta iyo darajaduu istaahilo buuggu qiimayn lagu sameeyo, waa qayb ka mid ah dhibaatada ragaadka ku ah dadaalka, wakhtiga, maskaxda iyo dhaqaalaha qoraaga kaga baxay curinta, ururinta iyo soo saarista buugga.

Bulshada ku xeeran qoraaga Soomaaliyeed ayaa iyana ah, kuwo marna aan dhiiri gelinayn. Xilliyadii dagaaladda sokeeye oognaayeen qalinley badan ayaa xogo iyo warbixinno tobanaan sano ay ururinayeen si sahal ah uga lumay, kana qaaday niyad jab, ku keenay inaysan qalin iyo warqad danbe is saarin, xaalka hadda jiraana weli qalinka wuxuu ka dhigay mid indho godan oo dhafoorka qofka qalinka haysta aad ka akhrisan karayso dhibaatada uu la tacalayo ee uu u tol iyo taag la yahay.

Marka la eego sheekooyinka jira, duruufaha nololeed, is bedbedalada tirada badan ee sida degdegga u dhacaya, waxay kaa dhigaysaa waayo arag , waxayna dhiiri geliyeen inta jecel qalinka oo har iyo habeen duruuf kastoo ay ku jiraan aan ka caajisin dhigaalka, iyadoo marka buugga soo baxo ay weli haysato caqabad ka duwan tii hore.

Axmed Faarax Cali Idaajaa oo ka mid ah qalinleyda Sooomaaliyeed oon waydiiyey caqabada haysta qoraaga Soomaaliyeed, wuxuu ii sheegay; in Soomaalida aysan weli fahmin muhiimadda buuggu u leeyahay iyo wuxuu xambaarsan yahay, iyadoo hawsha soo saarista buuga ay dusha ka fuusho qoraaga, ayna tahay mid uusan qaadi karin oo jilbaha u dhigtay qalinka, aysanna horay u jirin shirkado iyagu daabaca, iibna geeya buugaagta.

“Dhinaca buugaagta soo baxaysana waxaa haysta dhibaato, in badan oo ka mid ahi ma lahan ujeedo loo qorayo, markaad akhridana ma jirto fariin uu xambaarsan yahay oo buuggu gudbinayo” ayuu yiri Idajaa.

Waxaase rajo geliyey Buugta Soomaaliyeed aasaaskii naadiga qalinleyda SPEN oo bartamihii 1990madkii la aasasay xilli aysan jirin cid is waydiisa xaalkay ku suganaayeen qalinleydii faraha badnayd ee ku kala habqamay dacaladda dunida, wuxuu naadigaasi fure u noqday in kacaan cusub oogmo, waxaa bilowda carwooyin lagu soo bandhigo buugaag, naadiyo wax akhris iyo maktabado iskaa wax u qabso uga hirgalay wadanka, talaabooyinkaani waxay keeneen dhiig joojin, waxay kor u qaadeen tirada buugta soo baxaysa iyo dadka danaynaya akhriska, waana talaabooyin la mahadiyey, inkastoo aysan dabooli karin baahida balaaran ee kala duwan ee haysata buugga iyo qoraaga Soomaaliyeed.

Tusaale carwo buugeedka Muqdisho (MIBF) oo shantii sano ee la soo dhaafay la qabtay waxaa lagu iibsaday buug aduun gaaraya $80,000, waxaanad uga qiyaas qaadan karaysaa siday carwo buugeedku muhiim ugu noqdeen wakhtigaan qalinleyda Soomaaliyeed.

Waxaa kale oo rajo weyn keenay, shirkado ganacsi oo hadda u darban inay qaataan doorka daabacaadda iyo suuq geynta buugaagta, waxaana ka mid ah shirkadda Hill Press oo xarun daabacad ku leh magaalada Qaahira, halka ay xafiisyo ku leedahay magaalooyin Soomaaliya ku yaal.

Hiil Press oo la aasaasay bishii Juun 2018,  waxay u daabaceen qoraayaal kala duwan cadad buugaag ah oo dhan 150, siduu ii sheegay Cabdifataax Daahir Cilmi oo ah madaxa suq geynta iyo xiriirka ee Hiil Press.

Cabdifataax oo ka hadlaya waxa ku dhaliyey hawshaan wuxuu yiri “Waxaan aragnay culayska haysta qoraaga, markuu fikir iyo qoraal soo gudbiyo, wuxuu ka wel welayaa, xaggee ka heli kartaa madbacad tayo leh, yaa kaa cawin kara, hadday tahay naqshadaynta, qarashka iyo qurxinta, si akhristaha u helo wax tayo leh, waxaan qabanay hawl culays ka kor qaaday qoraaga, waaxana ujeedka yahay inaan  ka qayb qaadanno kobcinta aqoonta”.

Daabicidda ka sokow, Hiil Press aayaa qalinleyda ka caawisa farsamada naqshaydanta,  tifaqyo-tirka iyo sar goynta, waana hawl weyn , waxayna soo dhiraandhiriyeen ragaad ku taagnaa in buug tayo leh soo baxo, waxay beer qaboojis u noqtay qaybo ka mid ah hurgumooyinka haystay qoraaga, baahiduse waa badan tahay.

Waxay kale oo Hill Press bilaabeen hawl ay buugaagta luqadaha kale ku qoran ugu bedelayaan Afsoomaali, si aqoonta qalinleyda aan Soomaalida ahayn u gaarto bulshada Soomaaliyeed, tanoo ah talaabo kale oo muhiim u ah kobcinta akhriska.

Dhaliilaha kale waa in aysan eedda ka marnayn qalinleydu, buugaagta soo baxda ayaa lagu dhaliilaa inaysan wanaajin xogta xogta iyo xuquuqda qoraalka, iyadoo ay jirto qalinley badan oo wax qortay haddana xogtay qorayaan aysan sheegin halka ay salka ku hayso iyo tix gelin la’aan ka jirta xuquuqda qoraalka ama tixraaca, taasoo ah dhibaato ku wareegsan waxa la qorayo iyo hubantidooda.

Maxamed Beddel waa macalin wax ka dhiga jaamacadda Beder iyo Kuliyadda Tababarka Macallimiinta ee Hargeysa, wuxuuna ka mid yahay guddigii diyaariyey manhajka waxbarashada Somaliland sanadkii 2016, waxaan wax ka waydiyey sababaha buugta qalinleyda Soomaaliyeed soo saaran looga mid dhigi waayey manaahijta waxbarashada si ardaydu u akhristaan.

“Laba arrimood ayaa isugu darsan tay, tan hore masuuliyiinta maamulka haysaa kuma baraarugsana muhiimadda ay u leedahay tacliinta buugaagta qalinleyda soo saaran, tan kale waa qalinleyda laf ahaantooda oo aan soo saarin bugaag aan la jaan-qaadayn fahamka ardayga, buugaagtana inta badan waxay u qoraan dad waaweyn inay akhristaan” ayuu yiri Maxamed Bedel.

Gunaanad: Talooyinka aan qabo si buugga Soomaaliyeed u noqdo mid guulaysta waa: in dugsiyada, daladaha iyo wasaaradaha waxbarashadu ay siiyaan fursado ay ku qiimeeyaan dhigaalka sanadkasta soo baxa, kadibna ay u qoondeeyaan in ardaydu soo akhrido tiro ka mid ah buugaagta cusub ee soo baxda sanadkaas kuwa u cuntama in ay wax ku kordhin karaan garaadka aqooneed ee ardayga, siiba kuwa ka hadlaya, wadaniyadda, barashada dhaqanka iyo deegaanka, una kala qaybiyaan fasalada hoose/dhexe iyo sare, laguna soo daro qaybo ka mid ah imtixaanaadka sanadlaha. Arrintaasi waxay muhiimad ballaaran uleedahay bulshada, waxay kobcinaysaa hal abuurka, waxayna faa’iido weyn oo horumarin u tahay qoraaga iyo faafinta buugaagta Soomaaliyeed.

Maxamed Xasan Cirro.