Raage: ‘’Dowladda Somalia iyadaa na aasaastay marki hore iyada ayaana hadda na jaan-rogeyso’’

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamuud Raagge oo kamid ah Odayaasha ku nool deegaanada Maamulka Jubbalaand, ayaa sheegay in dhismaha maamulka uu yahay mid lagu asteeyay Dastuurka Somalia.

Waxa uu sheegay inay dhici karto hal iyo laba qalad ah, balse dhismaha maamulka uusan laheyn nidaam gabi ahaantiisa ku saleysan sharci darro waxa uuna meesha ka saaray in Baarlamaanka Jubba uu yahay mid saldhig u ah sharci daro.

‘’Adeer anigu qalad ayaan u arkaa mooshinka laga keenay baarlamaanka waayo waa laga fiican yahay in DF Somalia ay iyada maamul noo dhisto, hadana ay maamulka u horseedo burbur iyo khilaafyo hor leh’’

‘’DF waxaa looga baahan yahay in Kismaayo ay usoo dirto gudi si gaar ah u baaro waxa uu ku saleysan yahay dhismaha baarlamaanka Jubba iyo qaabka loo kala qeybiyay xubinimada beelaha’’

Waxa uu sheegay inay jiraan xubno farakutiris ah oo ka tirsan BF Somalia dhaliilo usoo jeedinaayo Maamulka, balse waxa uu meesha ka saaray in la qadiyay belaha qaar oo sabab u ah mooshinka taagan.

Dhanka kale, DF Somalia, gaar ahaan baarlamaanka ayuu ugu baaqay inay garwaaqsadaan xaqiiqda oo ay laqdabada ka dhaafan Maamulka Jubba.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com